4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 5 , 2022
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo Maanta Muqdisho ka daahfuray shir looga hadlaayo xal u helida barakaca dadka Soomaaliyeed
 

Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo Maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray shir looga hadlaayo xal u helida barakaca ayaa sheegay in muhiim tahay waxka qabashada colaadaha iyo isbadalka cimilada oo uu tilmaamay iney yihiin sababaha ugu horeeya ee keena barakaca.

Raysal wasaare Xamse oo ka hadlaayay furitaanka shirkaan oo socon doona muda sadax maalmood ah ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay ka go'an tahay sidii loo heli lahaa xalka ugu haboon ee looga hortagi karo barakaca.

Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay go'aansatay in Al-shabaab la dagaalanto, si dadka xoolo dhaqatada iyo beeraleyda ee kasoo barakacay deegaanadoodii ay dib ugu laabtaan howlahadii ahaa dhaqashada Xoolaha iyo tacbashada beeraha.

“Waxaa muhiim ah inay istaagaan sababaha ay dadku u barcayaan annagoo taa ka duuleynaya xukuumaddu waxay qaadatay inay khawaarijta la gasho dagaal bini’aadninimo oo lagu badbaadinayo nafta, maalka iyo sharafta ummadda Somaaliyeed” Ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Shirkaan qaran ee looga hadlaayo xal u helida barakacayaasha ayaa maalmaha uu socdo waxaa si gaar ah diirada loogu saari doonaa sidii loo heli lahaa xalka ugu haboon ee wax looga qaban karo dhibaatooyinka haysta dadka Soomaaliyeed ee barakacay, waxaana Raysal wasaaraha uu kula dardaarmay ka qeyb galayaasha iney maskaxda shiilaan oo ay kulanka ka soo saaraan talooyin wax ku ool ah oo wax looga qabanayo aminga, bulshada iyo dhaqaalaha, islamarkaana xal u noqon kara ku dhawaad saddexda Milyan ee gudaha dalka ku barakacsan.

Gabagabadii warbixinnadii ugu dambeeyay ee lasoo saaray bishii Oktoober ee sanadkaan ayaa muujinaya in rabshado, amni xumo, abaaro iyo daadad isbiirsaday ay sababeen in 2,967,500 oo ruux ay ku barakacaan gudaha dalka Soomaaliya.