4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 5 , 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Guddoonka Golaha Shacabka iyo Guddiyada joogtada ee Golaha Shacabka
 

Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Guddoonka Golaha shacabka iyo Guddiyada Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoona uga warbixiyey halganka dalka lagaga xorreynayo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Kulankaan waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, guddoomiye ku xigeennadiisa Koowaad iyo Labaad ee golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Samatar iyo Cabdullaahi Cumar Abshir.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in  Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu udub dhexaad u yahay qorshaha dalka looga saaayo kooxda Al-shabaab, islamarkaana Baarlamaanka ay wakiil u yihiin shacabka Soomaaliyeed ee la rafaadsan dhibaatada ay ku hayaan Ururka Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyey Guddoonka iyo Xildhibanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay dardar geliyaan ansixinta sharciyada iyo siyaasadaha hortabinta u leh dowladnimada ee Xukuumaddu ay u soo gudbinayso, lana xoojiyo wada shaqeynta goleyaasha dowladda.

Gabagabadii kulankaan ayaa imaanaya, iyadoo Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ay horyaalaan qodobo dhowr ah oo qaarkood ay guda gali doonaan in uu furan yahay kalfadhiga labaad, sida uu sheegay guddiga joogtada ah oo lasoo marsiiyo ajendaha inta aanan loo gudbin guddoonka Golaha.