4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 5 , 2022
Soomaaliya iyo waddamada IGAD oo gaaray heshiis ku saabsan isu socodka xorta ah ee dadka
 

Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya iyo lix dal oo kale oo ka tirsan urur goboleedka IGAD ayaa gaaray  heshiis ku saabsan isu socodka xorta ah ee dadka.

Heshiiska ayaa lagu saxiixay magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Suudaan.

Sida laga soo xigtay xoghayaha IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, dowladda Uganda kama mid ahayn saxiixayaasha heshiiska dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadka iyo hab-maamuuska aadanaha.

Gebeyehu ma bixin tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan heshiiska laakiin wuxuu ku tilmaamay guul aad u weyn oo horumarka gobolka ah.

Ururka IGAD ee bariga Afrika oo la aas aasay 1996-kii ayaa beddelay urur goboleedkii IGAD oo la aas aasay sanadkii 1986-kii si wax looga qabto masiibooyinka dabiiciga ah.

Xubnaha hadda jira waxaa ka mid ah Jabuuti, Itoobiya, Soomaaliya, Kenya, Koonfurta Suudaan, Suudaan iyo Uganda.

Eritrea oo xubin ka ahayd IGAD ayaa waxay ka baxday sanadkii 2007 ka hor inta aysan soo laaban sannadka 2016, balse wali ma aysan soo xaadirin inta badan shirarka IGAD.