4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 5 , 2022
TPLF oo ciidamadeeda kala baxay inta badan goobihii ay isku hor fadhiyi jireen ciidamada dowladda Itoobiya
 

Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Madaxa ciidamada TPLF Janaral Taddese Warade ayaa sheegay in boqolkiiba 65 ka mid ah dagaalyahannadooda ay ka baxeen furimaha dagaalka, sida ku caddayd heshiiskii TPLF iyo dowladda Itoobiya ku dhex maray Koonfur Afrika.

Inkastoo Janaraalku uusan xusin tirada rasmiga ah ee ciidamadooda ee baneeyay furimaha dagaalka, haddana wuxuu xusay in intii u badnayd ee ciidamadoodu ay ka baxeen goobaha dagaalka.

TPLF ayaa horey uga gows qabsatay qodobka u muhiimsan heshiiska oo ah hub ka dhigista ciidamadooda, taas oo ay ku xidheen ka bixitaanka Ciidamada Eritariya iyo kuwa degaannada Axmaarada iyo Canfarta oo deris la ah gobolka Tigray.

Eritariya ayaa horey u sheegtay in Ciidamadeedu aysan wakhti xaadirkan ku sugnayn dhulka Tigray, inkastoo dadka qaarkii ay sheegayaan in wali ay ciidamada Eritariyaanku ay ku sugan yihiin goobo kamid ah gobolka Tigray.