6/1/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 5 , 2022
Ciidamada dowladda oo howlgal qorsheysan ka sameeyay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir
 

Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay Xalay ka sameyeen ciidanka NISA, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Duufaan xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Howlgalka Xalay ciidanka Duufaan ka sameey Xaafada Suuqa Xoolaha ayaa ahaa mid qorsheysan oo ay ciidanka si gaar ah ugu beegaadeen guri ku yaala xaafadaasi oo ay kala soo baxeen saqdii dhexe ee Xalay laba nin iyo gabar, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dad ku sugan xaafadaasi.

Ciidanka ayaa mudadii ay Howlgalkaan ku jireen waxay sidoo kale soo qabqabteen boqolaal dhalinyaro ah oo ay weydiiyeen su'aalo la xariiray dhanka amaanka, hayeeshee markii dambe ay sii daayeen dhalinyaradaasi.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha amaanka ee dowladda Soomaaliya oo ku aadan howlgalka xalay ka dhacay xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalmihii u dambeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya ay kordhiyeen howlgallada lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho oo mudooyinkii dambe faraha kasii baxaayay.












Click here
12/5/2022 9:52 AM EST
Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Xarunta Xuquuqal Insaaka Maxada-bannaan ee Somaliland, ayaa cambaaraysay xadhig booliisku u gaystay xubin ka tirsan ururka Kaah.

12/5/2022 9:36 AM EST
Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa goordhaw gudaha u galay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

12/5/2022 9:02 AM EST
Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo Maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray shir looga hadlaayo xal u helida barakaca ayaa sheegay in muhiim tahay waxka qabashada colaadaha iyo isbadalka cimilada oo uu tilmaamay iney yihiin sababaha ugu horeeya ee keena barakaca.

12/5/2022 8:11 AM EST
Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa ka qeyb qaadanaya dagaal dhinaca cirka ah oo kooxda Shabaab looga xoreynayo gobolka gobolada dhexe ee Soomaaliya.

12/5/2022 4:25 AM EST
Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya iyo lix dal oo kale oo ka tirsan urur goboleedka IGAD ayaa gaaray heshiis ku saabsan isu socodka xorta ah ee dadka.

12/5/2022 3:52 AM EST
Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in haatan dagaalo culus oo u dhaxeeya ciidanka dowladda oo garabsanaya kuwa deegaanka iyo Al-shabaab ay ka socdaan deegaanada kala ah Wartadibi samatar iyo Boos Caduur oo ah deegaano hoostaga degmada Aadan Yabaal.

12/5/2022 3:31 AM EST
Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Madaxa ciidamada TPLF Janaral Taddese Warade ayaa sheegay in boqolkiiba 65 ka mid ah dagaalyahannadooda ay ka baxeen furimaha dagaalka, sida ku caddayd heshiiskii TPLF iyo dowladda Itoobiya ku dhex maray Koonfur Afrika.

12/5/2022 2:39 AM EST
Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Guddoonka Golaha shacabka iyo Guddiyada Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoona uga warbixiyey halganka dalka lagaga xorreynayo dagaalamayaasha Al-shabaab.

12/5/2022 12:53 AM EST
Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ku qabtay daawooyin aad u badan oo kaar jebiyayaal ah oo ay ku jiraan Pethidine iyo Cirbadda Oxytocin ee loo isticmaalo xilliga foosha dumarka.