3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 5 , 2021
Beesha caalamka oo soo dhoweysay go'aanadii kasoo baxay shirkii wadatashiga qaran ee doorashooyinka
 

Isniin, Luulyo, 5, 2021 (HOL) - Beesha caalamka ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay kusoo dhoweynayso natiijada kasoo baxday shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho ka dhacay 29-kii Juunyo, ee laga soo saaray go’aano ka mid yihiin jadwal cusub oo doorasho.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Dowlad-Goboleedyada, doodihii wax ku oolka ahaa ee ay yeesheen iyo xiriirka lala sameeyey saamileyda sida Golaha Midowga Musharixiinta, taasoo ay sheegeen in ay aasaas u tahay sii socod ka horumarka xagga doorashada.

“Waxaan hoosta ka xariiqnay in Golaha Wadatashiga Qaranka ay go’aan muhiim ah ka gaareen jadwalka doorashada iyo doorka kooxda ka taageerta Farsamada Doorashada iyo ballaarinta lagu sameeyey si loogu daro Wakiillada Dowlad-Gobolleedyada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah waxay ugu baaqeen dhammaan saamileyda, oo ay ku jiraan hay’adaha maamulka doorashada, inay u gutaan si karti leh masuuliyadahooda iyo balamihii iyadoon dib u dhac lahayn horena ugu sii socdaan.

Dhinaca kale, beesha caalamka waxay sheegeen inay soo dhaweyneynaan go’aanka ay Golaha Wadatashiga kala bar hoos loogu dhimay kharashka is-diiwaangalinta musharixiinta haweenka ah, taasoo qeyb ka ahayd go’aanadii kasoo shirkii wadatashiga qaran ee doorashooyinka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
7/5/2021 2:56 PM EST
Isniin, Luulyo, 5, 2021 (HOL) - Ciidamada ilaallada jaamacada Camuud ee magaalada Boorama, ayaa wiil dhalinyaro ah oo arday ah toogtay.

7/5/2021 12:08 PM EST
Isniin, Luulyo, 5, 2021 (HOL) - Puntland ayaa kasoo horjeesatay in hay’adda batroolka Soomaaliya ee Somali Petroleum Authority”, ay gasho heshiisyo caalami ah oo ku saabsan arrimaha shati bixinta shidaalka Soomaaliya.

7/5/2021 8:49 AM EST
Isniin, Luulyo, 5, 2021 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu doortay guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

7/5/2021 8:22 AM EST
Isniin, Luulyo, 5, 2021 (HOL) - Maxkamada ciidamada qalabka sida ee maamulka Puntland ayaa bilowday dhegaysiga maxkamadaynta 7 nin oo dhalinyaro oo lagu eedeeyay in ay yihiin shabakad katirsan Alshabaab oo ka howlgali jiray koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug.

7/5/2021 5:11 AM EST
Isniin, Luulyo, 5, 2021 (HOL) - Koomiishanka xuquuqal insaanka Somaliland, ayaa ku baaqay in si dhakhso ah looso gaba gabeeyo dacwada 8 hablood oo Berbera ugu xidhan in ay calanka Soomaaliya ku labisteen.

7/5/2021 4:34 AM EST
Isniin, Luulyo, 5, 2021 (HOL) - Ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdullaahi Bootaan Saruurow, ayaa Meydkiisa laga helay meel aan ka fogeeyn Magaalada Brits ee Gobalka North West, ee dalka Koonfur Afrika sida ay Booliska gobalka xaqiijiyeen.

7/5/2021 2:19 AM EST
Isniin, Luulyo, 5, 2021 (HOL) - Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ka hadashay xiisad dagaal oo ka taagan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib dagaal halkaasi ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Hirshabeelle oo dhinac ah iyo ciidamada labaxay golaha Kacdoonka Hiiraan.

7/5/2021 2:14 AM EST
Isniin, Luulyo, 5, 2021 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay deegaanka Darusalaam oo ka mid ah deegnada hoostaga degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe ka sameeyay howlgal ka dhan Al-shabaab oo la sheegay in lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Shabaab.

7/5/2021 1:11 AM EST
Isniin, Luulyo, 5, 2021 (HOL)- 2 caruura ayaa ku nafwayay kadib markii uu dab ka kacay guri kuyaala xaafada laynka booliiska, ee magaalada Hargaysa.