Isniin, Luulyo, 5, 2021 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay deegaanka Darusalaam oo ka mid ah deegnada hoostaga degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe ka sameeyay howlgal ka dhan Al-shabaab oo la sheegay in lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Shabaab.
newsinsideTaliyaha ciidanka Xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ciidamada aay howlgalka ku dileen Sarkaal lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Suubiye oo la yaqiinay Toosoow, kaasoo ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee Al-shabaab.
Jenaraal Odawaa ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka uu sigaar ah uga dhacay agagaarka Masaajidka Cali Gaduud, islamarkaana laga gaaray ujeedadii laga lahaa ciidamadana aay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.
Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Al-shabaab ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxay ku dagaalamayeen deegaano badan oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]