Isniin, Luulyo, 5, 2021 (HOL) - Puntland ayaa kasoo horjeesatay in hay’adda batroolka Soomaaliya ee Somali Petroleum Authority”, ay gasho heshiisyo caalami ah oo ku saabsan arrimaha shati bixinta shidaalka Soomaaliya.
newsinsideWarsaxaafadeed kasoo baxay wasiirka tamarta iyo macdanta Puntland, ayaa lagu sheegay in aysan Puntland aqoonsanayn heshiisyada iyo shaqada xaruntaasi oo ay tilmaamtay inuu waqtigeeda ku ekaa 8, February 2021.
Puntland waxay u soo jeedisay shirkaddaha daneenaya Soomaaliya inay ka qaataan Shatiyada sahminta shidaalka dowladda cusub ee imanayso, taasoo awood u leh in ay ka shaqeyso maamulka kheyraadka, iyadoo heshiis lagu wada yahay.
Hay’adda batroolka Soomaaliya ayaa 29 ka bishii june kordhisay waqtiga soo gudbinta codsiga shatiyada arrimaha shidaalka, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka Puntland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online