4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 30, 2021
Madaxweyne Farmaajo oo xasuuq ku tilmaamay qaraxii Kismaayo ee ay ku geeriyoodeen dhallinyaro cayaartoy ah
 

Jimco, Luulyo, 30, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida dhallinyaro ciyaartooy ah oo ku geeeiyooday Qarax ka dhacay Kismaayo oo lala eegtay gaari bas oo ay la socdeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku eedeeyay in ay qaraxaasi ka dambeeyaan kooxda Alshabaab, isagoo ku tilmaamay xasuuq loo geystay dhalinyarada.

Wuxuu madaxweyne Farmaajo tilmaamay in falkaasi uu ka marag kacayo sida ay argagixisada Alshabab cadow ugu tahay nolosha dhallinyarada Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

Ku dhawaad shan dhalinyaro oo kamid ahaa cayaartoyda ayaa ku geeriyoy qaraxa, sidoo kalena tiro intaas ka badan ayaa ku dhaawacmay.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaan oo kusoo beegmay xilli ay magaalada Kismaayo ka bilowdeen doorashooyinka aqalka sare.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online