4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 30, 2021
Qarax culus oo Kismaayo lagula eegtay Bas ay la socdeen koox kubbada cagta ah
 

Jimco, Luulyo, 30, 2021 (HOL) - Qarax miinada dhulka lagu aaso ayaa goor dhow magaalada Kismaayo lagula eegtay gaari Bus ah oo ay la socdeen cayaartoyda kooxda kubada cagta ee ka tirsanayd rugta ganacsiga Jubbaland ee JCCI.

Gaariga uu qaraxa haleelay ayaa gabi ahaanba gubtay, sida ay muujinayaan sawirro lagasoo qaaday, Waxaana jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray cayaartoyda.

Balse weli illaa iyo hadda lama xaqiijin karo khasaaraha inta uu le'eg yahay, waxaana socdo gurmad loo sameynayo cayaartoyda weerarka lala beegsaday oo isku diyaarinayay in ay ka qeyb qaataan horyaalka Jubbaland oo galabta furmi lahaa.

Faahfaahin dhameystiran goordhow kala soco HOL.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online