3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 30, 2021
Wasiir Boos Mirre "Waxa uu ka qaylinayaa Faysal waxa weeyaan ururadii ayaa la furayaa"
 

Jimco, Luulyo, 30, 2021 (HOL) - Wasiirka ciyaaraha Somaliland Boos Mirre Maxammed, oo ka jawaabay eedaymo uu guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe usoo jeediyay madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay in sababta hadalkiisa keentay wakhtigan ay tahay in la furayo ururadii siyaasada oo uu madaxweynuhu saxeexay sidu uu sheegay.

"Faysal waayadanba waanu ogayn in uu hadli doono, xanuunka inta ugu badana waa ururadii oo la furay, ilaa maalintii ururada lagu dhawaaqay ee madaxweynuhu saxeexay waxa la lahaa Faysal muxu yidhi?, wakaa shalay hadlay waxa uu ka cadhaysanyahayna waa ururada" ayuu yidhi wasiir Boos Mirre.

Wasiirka oo ka jawaabayay eedaynta guddoomiye Faysal ee ahayd in madaxweyne Biixi uu iibsanayo xildhibaannada mucaaradka ayaa sheegay in xildhibaannadu ay yihiin dad caqli leh oo wax kala garanaya, isla markaana xor u ah cida ay taageerayaan.

"Xildhibaannada sida uu sheegayay qaarna way u tageen qaarna way noo yimaadeen, xildhibaannadu maaha robot, waa dad maskax leh ,halka uu ka arko wanaaga dalka ayuu siinayaa codkisa, wuxuna kala dooranayaa waa musharixiin ee imika xisbiyo la kala dooran maayo" ayuu yidhi wasiir Boos mirre.

"Kuwa isaga u tagay ma lacag buu siiyay anagu dad iib ah ma ogin, hadii lacag la bixinayo golaha deegaannada intaaso degmo ayay heleen kuwaa ma lacag ayaa lagu bixiyay?, lacagna laguma bixin lagumana ollolayn" ayuu hadalkiisa ku daray wasiir Boos Mirre.

Wasiirka oo ka jawaabay eedaynta ah in golaha wasiirada Somaliland ay shaqadoodi iloobeen oo ay ku mashquuleen xod xodashada xildhibaannada isbahaysiga mucaaradka ayaa sheegay in wasiiradu ka tirsanyihiin Kulmiye xaqna u leeyihiin.

"Wasiiradu xisbi ayay ka tirsanyihiin xaqna way u leeyihiin in ay wax soo helaan, lakiin doorasho xor ah oo xalaal ah ayaa la galayaa" ayuu yidhi wasiir Boos Mirre.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa Khamiistii hadal uu jeediyay ku sheegay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, uu cashuurtii shacabka laga qaaday u isticmaalayo in uu ku iibsado xildhibaannada isbahaysiga mucaaradka taasi oo uu wasiir Boos Mirre waxba kama jiraan ku til maamay.



Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/30/2021 4:25 PM EST
Jimco, Luulyo, 30, 2021 (HOL) - Xildhibaan Ibraahin Maxammed Jaamac (Khadar Guun) oo xildhibaan kamida xildhibaannada isbahaysiga mucaaradku sheegay in xukuumada Somaliland afduubtay, ayaa sheegay in anay jirin cid afduubtay.

7/30/2021 1:58 PM EST
Jimco, Luulyo, 30, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa ka tacsiyadeeyay khasaaraha ka dhashay qaraxii galabta lala beegsaday gaari Bas ah oo ay saarnayeen dhalinyaro Ciyaartooy ahaa.

7/30/2021 11:19 AM EST
Jimco, Luulyo, 30, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida dhallinyaro ciyaartooy ah oo ku geeeiyooday Qarax ka dhacay Kismaayo oo lala eegtay gaari bas oo ay la socdeen.

7/30/2021 10:33 AM EST
Jimco, Luulyo, 30, 2021 (HOL) - Qarax miinada dhulka lagu aaso ayaa goor dhow magaalada Kismaayo lagula eegtay gaari Bus ah oo ay la socdeen cayaartoyda kooxda kubada cagta ee ka tirsanayd rugta ganacsiga Jubbaland ee JCCI.

7/30/2021 7:03 AM EST
Jimco, Luulyo, 30, 2021 (HOL) - Xildhibaan Axmed Maxamuud Fanax oo xisbiga Waddani uga soo baxay gobolka Togdheer, isla markaana ka mid aha xildhibaannada isbahaysiga Mucaaradka ayaa ku biiray isbahaysiga xisbiga Kulmiye iyo garabka UCID.

7/30/2021 5:21 AM EST
Jimco, Luulyo, 30, 2021 (HOL) - Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow), ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland uu qorshaynayo, in uu xidho xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi, oo sheegay in uu ka bad baaday qorshe afduub ah, oo xukuumada Somaliland ugu maleegtay dalka Itoobiya, Buurmadow ayaa madaxweynaha uga digay in uu xidho xildhibaanka.

7/30/2021 5:17 AM EST
Jimco, Luulyo, 30, 2021 (HOL) - Guddiga doorashooyinka maamulka Koofur Galbeed ayaa codsi u gudbiyay madaxweynaha maamul goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Laftagareen.

7/30/2021 3:06 AM EST
Jimco, Luulyo, 30, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo aad u qaraar oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaano hoos yimaada degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan.