4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 30, 2021
Xildhibaan ka tirsan xisbiga Waddani oo ku biiray isbahaysiga Kulmiye iyo garabka UCID
 

Jimco, Luulyo, 30, 2021 (HOL) - Xildhibaan Axmed Maxamuud Fanax oo xisbiga Waddani uga soo baxay gobolka Togdheer, isla markaana ka mid aha xildhibaannada isbahaysiga Mucaaradka ayaa ku biiray isbahaysiga xisbiga Kulmiye iyo garabka UCID.

Xildhibaan Fanax ayaa kasoo muuqday sawiro lagu baahiyay baraha bulshada isaga oo gacmaha haysta xildhibaan Faratoon oo xisbiga Kulmiye u cumaamaday doorashada shirgudoonka wakiilada Somaliland iyo Cabdinaasir Qodax oo u sharaxan guddoomiye ku xigeenka labaad ee wakiilada.

Waxa jira loolan adag oo wakhtigan la joogo ay isbahaysiga mucaaradka ee xisbiyada UCID iyo Waddani iyo isbahaysiga kale ee xisbiga Kulmiye iyo garabka UCID ugu jiraan, hanashada shirgudoonka golaha wakiilada.

Isbahaysiga mucaaradka ayaa doorashada afhayeenka golaha wakiilada ee cusub u sharaxay Cabdirisaaq Khaliif Axmed, halka xisbiga Kulmiye iyo garabka UCID u sharaxeen Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]