4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 30, 2021
Boqor Buurmadow "Muuse Biixi carkee baanu leenahay, car xildhibaan Mustafe xidh"
 

Jimco, Luulyo, 30, 2021 (HOL) - Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow), ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland uu qorshaynayo, in uu xidho xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi, oo sheegay in uu ka bad baaday qorshe afduub ah, oo xukuumada Somaliland ugu maleegtay dalka Itoobiya, Buurmadow ayaa madaxweynaha uga digay in uu xidho xildhibaanka.

Buurmadow ayaa ku andacooday in uu caddayn buuxda u hayo sheegashada xildhibaan Mustafe ee ah in xukuumada Somaliland oo adeegsanaysa sirdoonka dalka Itoobiya ay isku dayday in ay afduub ugu gaysato gudaha dalka Itoobiya.

"Waxaanu ka war hayna in Mustafe markuu halkaa tagay lala hadlay dalka Itoobiya, dowlada Itoobiyana wixii argagixiso lagu sheego in amniga laga wada shaqeeyo ayaa ah, arrinka waxa ka danbeeyay Muuse Biixi iyo inankiisa, wasaarada arrimaha guduhu waxba kama oga, in la afduubo ayaa laysku dayay caddayn buuxda ayaanu u hayna" ayuu yidhi.

Buurmadow ayaa sidookale sheegay in madaxweyne Biixi uu waaran uso goostay si uu xildhibaan Mustafe xabsiga u dhigo, wuxuuna madaxweynaha uga digay xadhig uu u gaysto xildhibaanka.

"Imika ayaa la doonayaa in la xidho oo Hargaysa lagu xidho waana nu ognahay, lakiin Muuse Biixi carkee baanu leenahay, saacada uu xildhibaan kaa xidho anaga iyo wixii naga talo qaata waxaanu caddaynayna in Muuse Biixi aanu dalka madaxweyne ka ahayn,"ayuu yidhi Boqor Buurmadow.

Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi oo xisbiga Kulmiye uga soo baxay gobolka Sool, ayaa xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay isku day day in ay ku afduubto gudaha dalka Itoobiya, iyadoo adeegsanaysa sirdoonka Itoobiya, dhinaca kale xukuumada Somaliland ayaa sheegashada Mustafe  beenisay.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online