3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 26, 2021
Ramla Cali oo Soomaaliya matalaysay oo looga adkaaday tartankii feerka ee Tokyo
 

Isniin, Luulyo, 26, 2021 (HOL) - Ramla Cali oo ah gabadha Soomaaliya ku mataleysay cayaaraha feerka Olombikada ee Tokyo ayaa looga adkaaday dhibco kadib markii ay is wajaheen gabar kale oo ka socotay dalka Romania.

Ramla Cali  ayaa muujisay dadaal fiican qeybtii hore ee cayaarta, balse qeybtii dambe ayaa laga helay dhibcaha looga guulaystay, sida ay sheegtay Faadumo Nuur Cali oo ah gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee guddiga Olombikada Soomaaliya.

Waa markii ugu horaysay oo gabadh Soomaaliyeed ay ka qeyb qaadato tartanka dhinaca feerka ah, iyadoo matalaysa qaranka Soomaaliya

Gudoomiye ku-xigeenka guddiga Olombikada Soomaaliya, ayaa sheegtay in Ramlo looga guulaystay nasiib, waxayna ku amaantay in ay muujisay dadaalkeedii ugu badnaa.

“Waxaan leeyahay waan dadaalnay, gari labo nin kama wada qosliso. Waan dadaalnay, waana imaanay illaa iyo Tokyo. Tababar waan soo sameynay, juhdi badan waan soo galinay  waxaan la harnay ma jiraan. Ummadda Soomaaliyeed  waxaan leeyahay, meesha ayaan kasii wadaynaa cayaaraha,” ayay tiri Faadumo Nuur Nuur.”

Saddexda bisha August, Cali Iidow Xasan ayaa Soomaaliya uga qeybgali galidoona tartanka orodada 1,500m (Kun iyo shanta boqol ee mitir).

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
7/26/2021 2:16 PM EST
Isniin, Luulyo, 26, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa ka duulay magaalada Muqdisho, iyagoo kusii jeeda magaalada London ee dalka Ingiriiska.

7/26/2021 6:48 AM EST
Isniin, Luulyo, 26, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay inta u dhaxeeyaa deegaanada Beergidiid iyo Coomaad oo u dhaxeeya magaaloyinka Baledweyne iyo Maxaas.

7/26/2021 5:40 AM EST
Isniin, Luulyo, 26, 2021 (HOL) - Ramla Cali oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa maanta galinka dambe ciyaareysa tartanka Feerka Olimbikada ee ka socda wadanka Japan, kaasoo ay Soomaaliya ku mataleyso qeybgalkeeda.

7/26/2021 2:24 AM EST
Isniin, Luulyo, 26, 2021 (HOL) - Ciidamada Xooga dalka ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaano hoos yimaada degmada Awdhiigle ee gobolka sh/hoose.

7/26/2021 1:47 AM EST
Isniin, Luulyo, 26, 2021 (HOL) - Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Horjogihii Al-Shabaab u qaabilsanaa howlgalinta gobolka Shabellaha Hoose.

7/26/2021 1:42 AM EST
Isniin, Luulyo, 26, 2021 (HOL) - Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo kasoo baxay waxaa lagu soo dhaweeyay guddii uu shalay u magacaabay Raysal wasaaraha Soomaaliya ilaalinta qoondada dumarka ee 30% inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka.

7/26/2021 1:38 AM EST
Isniin, Luulyo, 26, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan kula qaatay madaxada Wadatashiga Qaran ee dalka.