4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 26, 2021
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 13 dagaalame iyo horjoogahoodii ay ku dileen gobolka Sh/hoose
 

Isniin, Luulyo, 26, 2021 (HOL) - Ciidamada Xooga dalka ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaano hoos yimaada degmada Awdhiigle ee gobolka sh/hoose.

Howgalka ciidamada ka sameeyeen deegaanada hoos yimaada Awdhiigle ayaa la sheegay iney jawaab u aheyd weerar madaafiic ah oo Al-shabaab ku garaaceen xaafado ka tirsan degmada Awdhiigle, kaasoo khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh kasoo gaareen dad shacab ah.

Saraakiil ka tirsan Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalada ay ka sameeyeen nawaaxiga degmada Awdhiigle iney ku dileen 13 ka mid ah dagaalyahanada Shabaab iyo sarkaalkoodii hogaaminaayay oo ahaa kuwii madaafiicda kusoo gaaray degmada Awdhiigle.

Sarakiisha ayaa sidoo kale sheegay in howgalka wali uu socdo kuna sii raad joogaan xubnaha kale ee ka tirsan Al-shabaab ee wali ku sugan deegaanada hoos yimaada Awdhiigle.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Sh/hoose waxaa inta badan ka dhaca weeraro kala duwan oo dhexmara ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]