3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 26, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo Madaxda Wadatashiga Qaran kala hadlay dardargelinta doorashada Aqalka Sare
 

Isniin, Luulyo, 26, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan kula qaatay madaxada Wadatashiga Qaran ee dalka.

Raysal wasaare Rooble ayaa habka fogaan aragga  kula shiray madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, ayaa ku booriyay in ay sida ugu dhaqsaha badan u qabtaan doorashada aqalka sare, maadaama shalay ay ku ekeyd xilligii loo qabtay in la bilaabo doorashada aqalka sare.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahin Macalimuu ayaa sheegay in madaxda ay isla qaateen in la dardar geliyo doorashada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

"Golaha Wadatashiga Qaranka waxay madaxweynaha iyo bulshada Galmudug ku bogaadiyeen howlgallada lagula dagaalamayo argagixisada Alshabaab ee Ciidammada Qaranku ka wadaan Galnudug, iyagoo u muujiyay in ay taageero hiil iyo hooba leh la garab taagan yihiin" ayuu yiri Macalimuu.

Kulankaan ku dhexmaray habka fogaan araga madaxda wadatashiga qaran ayaa imaanaya xili markale dib u dhac uu ku yimid doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare oo lagu waday iney shalay ka bilaabato goobaha oo asteeyay ee maamul goboleedyada dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/26/2021 2:16 PM EST
Isniin, Luulyo, 26, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa ka duulay magaalada Muqdisho, iyagoo kusii jeeda magaalada London ee dalka Ingiriiska.

7/26/2021 8:47 AM EST
Isniin, Luulyo, 26, 2021 (HOL) - Ramla Cali oo ah gabadha Soomaaliya ku mataleysay cayaaraha feerka Olombikada ee Tokyo ayaa looga adkaaday dhibco kadib markii ay is wajaheen gabar kale oo ka socotay dalka Romania.

7/26/2021 6:48 AM EST
Isniin, Luulyo, 26, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay inta u dhaxeeyaa deegaanada Beergidiid iyo Coomaad oo u dhaxeeya magaaloyinka Baledweyne iyo Maxaas.

7/26/2021 5:40 AM EST
Isniin, Luulyo, 26, 2021 (HOL) - Ramla Cali oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa maanta galinka dambe ciyaareysa tartanka Feerka Olimbikada ee ka socda wadanka Japan, kaasoo ay Soomaaliya ku mataleyso qeybgalkeeda.

7/26/2021 2:24 AM EST
Isniin, Luulyo, 26, 2021 (HOL) - Ciidamada Xooga dalka ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaano hoos yimaada degmada Awdhiigle ee gobolka sh/hoose.

7/26/2021 1:47 AM EST
Isniin, Luulyo, 26, 2021 (HOL) - Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Horjogihii Al-Shabaab u qaabilsanaa howlgalinta gobolka Shabellaha Hoose.

7/26/2021 1:42 AM EST
Isniin, Luulyo, 26, 2021 (HOL) - Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo kasoo baxay waxaa lagu soo dhaweeyay guddii uu shalay u magacaabay Raysal wasaaraha Soomaaliya ilaalinta qoondada dumarka ee 30% inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka.