4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 26, 2021
Qaramada Midoobay oo ka hadashay qoondada Haweenka ee Doorashooyinka Dalka
 

Isniin, Luulyo, 26, 2021 (HOL) - Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo kasoo baxay waxaa lagu soo dhaweeyay guddii uu shalay u magacaabay Raysal wasaaraha Soomaaliya ilaalinta qoondada dumarka ee 30% inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka.

"Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysaa magacaabista uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble,13 xubnood oo ah guddi u qareemis, kaas oo ka shaqeynaya xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee kuraasta baarlamaanka federaalka ay haweenku ku yeelanayaan,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay QM.

Warka kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale lagu sheegay in Qaramada Midoobay si buuxda u taageereyso in haweenka Soomaaliyeed matalaad buuxda ku yeeshaan doorashooyinka dalka ka dhacaya.

Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa imaanaya xili shalay uu magacaabay Raysal wasaaraha Rooble guddi ka kooban 13 xubnood, kaas oo ka shaqeyn doona xaqiijinta qoondada haweenka inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka ka qabsoomaya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]