4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 26, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya qarax khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Hiiraan
 

Isniin, Luulyo, 26, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay inta u dhaxeeyaa deegaanada Beergidiid iyo Coomaad oo u dhaxeeya magaaloyinka Baledweyne iyo Maxaas.

Qaraxa miinada ayaa la sheegay inuu haleelay gaari ay saarnayeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la sheegay iney ku guda jireyn howlgalo ka dhan ah Al-shabaab.

Inta la xaqiijiyay laba ruux oo mid askari yahay midna Macawiisley yahay ayaa ku geeriyootay qaraxa oo miino ee lala beegsaday ciidamada howlgalada ka sameynayay inta u dhaxeeysa magaalooyinka Baledweyne iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana jira dadkale oo aay dhaawacyo kasoo gaareen qaraxa oo la geeyay Isbitaalka Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa kadib inuu dhacay iska hor imaad muddo kooban socday oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab, walow aanan la xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay iska hor imaadkaasi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]