9/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 5 , 2020
Dowladda federalka Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii lagu qaaday saldhigga ciidamada Kenya iyo Maraykanka ee gobolka Lamu
 

Axad, Janaayo, 05, 2020 (HOL)- Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku biirtay cambaaraynta caalamiga ah ee loo jeediyay  weerarkii lala beegsaday ciidamada isku dhafka ah ee Kenya iyo Mareykanka ee fadhigoodu yahay garoonka Manda Bay Airfield.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu tilmaamay weerarkaas mid fashilmay, waxayna sheegtay inaanu carqalad ku noqondoonin dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo kuwa ka soo horjeeda nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sidoo kale ku amaantay Ciidamada Difaaca Kenya iyo Taliska Mareykanka  inay si deg deg ah isaga caabiyeen weerarka, sidaasna ay guuldarro culus u gaartay ururka Al-shabaab.

Sidoo kale, dowladda Federaalku waxay taageertay dadaallada lagu ciribtirayo waxa loogu yeero argaggixisada waxayna sii wadi doontaa wada shaqeynta ay la leedahay saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo helo nabad iyo barwaaqo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]