4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 5 , 2020
Kheyre oo magacaabay Guddiga Qabanqaabada maalmaha xoriyada Soomaaliya

 

Axad, Janaayo, 05, 2020 (HOL)-Ra'iisal Wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa magacaabay Guddi ka shaqeyn doona u diyaargaroowga maalmaha xoriyada Soomaaliya 25 June iyo 01 July oo ay naga xigaan Afar bilood.

Magacaabistan ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee nooceeda ah madaama looga bartay Dowladdihii dalka isaga danbeeyay in ay ku dhawaaqaan magacyada Guddigan horaanta bisha June.

Guddiga oo uu guddoomiye u yahay Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah, Wasiirradda Wasaarraddaha Maaliyada, Difaaca, Dhalinyarada, Waxbarashada, Shaqada iyo Cadaallada.

Sidoo kale waxaa guddigan ka mid ah oo ku jira Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Filish iyo Agaasimayaal ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya.

Howsha guddigan ayaa ku eg labo bilood kaddib qabashada xuska maalmaha xoriyada iyaga oo kaashanaya qeybaha kala duwan oo bulshada rayidka. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]