4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 5 , 2020
Madaxweyne Waare oo Buula-burte u tagay xal u helida tabashooyinka dhanka maamulka

 

Axad, Janaayo, 05, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaaray degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa u tagay degmada Buula-burte sidii uu u xalin lahaa tabashooyin dhinaca maamulka ah oo ay  qabaan qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa kulamo kala duwan la qaadanaya Mas’uuliyiinta Degmada Buulo-burte iyo  Odayaasha, waxaana la filayaa inuu xaliyo tabashooyin halkaas ka jira.

Dhinaca kale qeybaha kala Bulshada ee ku sugan Buulo-burte ayuu la  kulmi doonaa Madaxweynaha Hirshabeelle, isagoo ka xog-wareysan doona  xaaladihii ugu dambeeyay ee deegaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]