
newsinsideMilatariga Kenya ayaa sheegay inaysan jirin wax qasaaro ah oo soo gaadhay ciidamada Kenya iyo kuwa Mareykanka ee ku sugnaa saldhiga la wareeray.
Alshabaab ayaa 5-kii subaxnimo ee saaakay weerar ku qaaday Manda Air Strip, oo ah saldhigga ciidamada badda Kenya iyo ciidamada Mareykanka.
Dagaalyahanada Shabaab ayaa isku dayayay in ay galaan xerada militari oo ay ku sugnaayeen diyaaradaha qumaatiga u kaca.
Diyaaradaha ciidanka difaaca Kenya ayaa weerarkaan uga jawaabay bambooyin. War qoraal ah oo ay soo saareen waxay ku sheegeen in weerarkaasi ay fashiliyeen ciidamadooda.
Kooxda Shabaab ayaa la sheegay inay ka yimaadeen deegaanka Hindi. Waxaa la sheegay inay gooyeen isgaarsiinta ka hor inta aysan bilaabin weerarkooda.