3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 5 , 2020
Militariga Mareykanka oo xaqiijiyay weerar lagu qaaday saldhigga Mareykanka ee Kenya
 

Axad, Janaayo, 05, 2020 (HOL)- Militariga Mareykanka ayaa xaqiijiyey in weerar lagu qaaday saldhig millatari oo ku yaal Kenya oo ay degan yihiin qaar ka mid ah shaqaalaha millatariga Mareykanka.

Kooxda al-Shabab ayaa sheegatay mas'uuliyada weerarka oo ay masuuliyiinta Kenya sheegeen in lagu dilay afar dagaalame.

Af hayeenka Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in ay dib kasoo bixindoono faahfaahin dheeraad ah.

Sarkaalku ma bixin macluumaad ku saabsan waxyeello ciidanka Maraykanka ka soo gaartay saldhiga millatari ee Kenya oo sannado badan ay dagganaayeen ciidamada Mareykanka.

Ma cadda inta shaqaale Mareykan ah ee ku sugnaa saldhigga, isagoo saldhigu ahaa goob loogu talagalay ciidamada howlgalka gaarka ah ee Mareykanka ee ka howlgala Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
1/5/2020 4:36 PM EST
Axad, Janaayo, 05, 2020 (HOL)- Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday inaysan u hogaansami doonin xayiraad kasta oo lagu soo rogay barnaamijkeeda nukliyeerka.

1/5/2020 3:20 PM EST
Axad, Janaayo, 05, 2020 (HOL)- Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku biirtay cambaaraynta caalamiga ah ee loo jeediyay weerarkii lala beegsaday ciidamada isku dhafka ah ee Kenya iyo Mareykanka ee fadhigoodu yahay garoonka Manda Bay Airfield.

1/5/2020 11:02 AM EST
Axad, Janaayo, 05, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaaray degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

1/5/2020 10:32 AM EST
Axad, January ,05, 2020 (HOL )– Wasaarada beeraha Somaliland iyo hay’adda ilaalinta Tayadda Raashinka ayaa si wada jir ah u sheegay in dalagyada ka soo go’ay dalka aanay ku jirin wax sun ah oo halis galin karta bani’aadanka.

1/5/2020 8:11 AM EST
Axad, Janaayo, 05, 2020 (HOL)-Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa soo dhoweeyay sharciga cusub ee lagu maamulayo doorashooyinka Soomaaliya, oo ay dhawaan meel mariyeen goolaha shacabka Soomaaliya.

1/5/2020 7:51 AM EST
Axad, Janaayo, 05, 2020 (HOL)-Ra'iisal Wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa magacaabay guddi ka shaqeyn doona u diyaargaroowga maalmaha xoriyada Soomaaliya 25 June iyo 01 July oo ay naga xigaan Afar bilood

1/5/2020 4:03 AM EST
Axad, Janaayo, 05, 2020 (HOL)- Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa sheegay in afar dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabaab ay dhinteen ka dib markii waabarigii saakay ay weerareen saldhiga ciidamada badda ee Manda-Magogoni ee kuyaala Gobolka Lamu.

1/5/2020 3:45 AM EST
Axad, Janaayo, 05, 2020 (HOL)- Maxkamad kutaala magaalada Bosaso ee Puntland ayaa xukunno kala duwan ku riday odayaal iyo siyaasiyiin lagu eedeeyay inay abaabul iyo qalqal galin amni ka wadeen magaalada Bosaso.

1/5/2020 2:51 AM EST
Axad, Janaayo, 05, 2020 (HOL)-Xoogagga Al-shabaab ayaa weerar culus subaxnimadii hore ee saakay ku qaaday saldhig ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya ku leeyihiin deegaanka Lamu ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

1/5/2020 12:33 AM EST
Axad, Janaayo, 05, 2020 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Mareykanka , Donald Trump ayaa ugu hanjabay dowladda Iiraan in uu weerarri doono sida uu hadalka u dhiggay 52 goobood oo muhiim u ah Iiraan weliba "sida ugu dhaqsiyaha badan".

1/5/2020 12:24 AM EST
Axad, Janaayo, 05, 2020 (HOL)- Wararka ka imanaya degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in ay halkaa ka socoto u diyaar-garoowga ku dhawaaqista Liiska xubnaha xildhibaannada cusub ee ka mid noqonaya Baarlamaanka la filayo in uu soo doorto madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug.

1/5/2020 12:13 AM EST
Axad, Janaayo, 05, 2020 (HOL)-Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa markii ugu horreysay yeelaneysa taariikhda sharci dhameystiran laga soo bilaabo tan 1960kii sida uu warbaahinta u sheegay maareeyaha hay’adda duulista rayidka Axmed Macalin.