4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 5 , 2020
Somaliland beenisay Sun lagu sheegay in laga helay dalagyada ka soo go’ay beeraha

 

Axad, January ,05,   2020  (HOL )– Wasaarada beeraha Somaliland iyo hay’adda ilaalinta Tayadda Raashinka ayaa si wada jir ah u sheegay in dalagyada ka soo go’ay dalka aanay ku jirin wax sun ah oo halis galin karta bani’aadanka. 

Wasiirka Beeraha Somaliland Axmed Mumin Seed iyo gudoomiyaha hay’adda Ilaalinta Tayadda raashinka Muuse Xasan Xaaji Yuusuf ayaa sheegay ka dib markii dhowan warbaahinta laga sheegay in Raashinka ka soo baxa dhulka laga helay Sun halis galinkarta caafimaadka dadka ay ku sameeyeen baadhitaan dalagyada labadii sanadood ee udambeeyey ka soo go’ay Somaliland, isla markaana ay laab dibadda ah u direen, waxaaana la soo xaqiijiyey in arrintaasi waxba ka jirin .

“Waxaanu cilmi baadhis ku samaynay dalagyada dalka ka soo go’ay, anagoo ka duulaynay warbixinta warbahinta laga siidaayey oo odhanaysay cuntada soomaalidu beerato waxa laga helay sun aad u badan, anagoo ku soo baadhnay laab ku yaalla Imaaraadka oo aanu hubno tayadiisa,waxaana noo soo baxday in aanay suntaasi waxba ka jirin oo Soomaaliya uun ku kooban tahay”ayuu yidhi gudoomiyaha hay’ada ilaalinta Tayadda Muuse Xasan.

Waxaanu intaas ku daray “dalagyada aanu baadhnay waxa ka mid ah Qamadida, garowga, heedda, waxaan dadka u sheegayna cilmi baadhista Muqdisho lagu sameeyey ee anaguna Hargeysa ku samaynay natiijadeedu noqotay mid aan waxba ka jirin oo cuntadeenu tahay mid tayo leh ee taasi soomaaliya uun ku kooban tahay”

Wasiirka Beeraha Somaliland Axmed Mumin Seed oo isna arrintaasi ka hadlay ayaa yidhi “Dawlada Soomaaliya waxay sheegtay in cuntooyinka wadaniga ah ee dhulkooda ka soo baxay oo ay baadheen inay sun ka heleen,maadama oo cuntadoodiii xanuun ku sheegeen si aanay dadkeenu u shakiyin ayaanu baadhitaan ku samaynay, waxaanu saambal ka qaadanay dalagii dalkeena ka soo go’ay, waxaana ogaanay in xanuunkaasi lagu sheegay raashinkasi aynaan inagu shaqo ku lahayn.”.

Dhowaan ayey ahayd markii cuntooyinka dhulka Soomaalida ka soo baxa lagu sheegay inay ku jiraan sun khatar badan, taas oo dad badan ku abuurtay walaac.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.