4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 5 , 2020
Madaxweyne Trump oo sheegay in ay weerarri doonaan 52 goobood oo lafbar u ah Iiran

 

Axad, Janaayo, 05, 2020 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Mareykanka , Donald Trump ayaa ugu hanjabay dowladda Iiraan in uu weerarri doono sida uu hadalka u dhiggay 52 goobood oo muhiim u ah Iiraan weliba "sida ugu dhaqsiyaha badan".

Warkan ka soo yeeray Trump ayaa dabasocda dilkii uu Mareykanka ku fuliyay Janaraal Qaasim Suleeymaani iyadoona Iran ay wacad ku martay iney dilkiisa ay u aargudi doonto.

Bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in Iran ay si adag u hadleeyso oo ay bartilmaameedsan doonto goobo gaar oo muhiim uh Mareykanka.

Waxa uu sheegay in Mareykanka uu soo ogaaday 52 goobood oo qaarkood ay aad muhiim ugu yihiin Iran iyo dhaqanka Iiraaniyiintuba kuwaasi si dhakhsiya oo adag loo weerari doono, waa haddii ay xukuumadda Tehran weerarto Mareykanka’’''Mareykanka ma doonayo caga jugleyn dambe'' ayuu Trump intaasi ku sii daray.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in 52-daasi goobood ay matali doonaan 52 qof ee reer Mareykan oo Iran muddo sannad ah u afduubnaa dhammaadkii 1979-kii, ka dib markii laga soo qabtay safaaradda Mareykanka ee Tehran.

Qoraalka Twitter-ka ee Trump ayaa sidoo kale ku soo aadaya saacado ka hor gantaaladii lagu bartilmaamedsaday Aagga Cagaaran ee u dhow safaaradda Mareykanka iyo garoonka diyaaradaha ee Balad oo ay ku yaalaan guryaha xoogagga Mareykanka,

Inkastoo Milatariga ciraaq ay sheegeen ineysan jiran cid ay waxyeello ka oo gaartay weerarkaasi mana jirto ilaa haatan cid shegatay iney ka dambeysay weeraradaasi balse xoogagga taabacsan Iran ayaa lagu eedeeynayay iney ka dambeyeen weeraradii dhowaan ka dhacay Ciraaq oo lagu bartilmaameedsaday goobo muhiim u ah Mareykanka.

BBC