Raysal Wasaaraha Kanada oo iskarantiilay cabsi laga qabo inuu qaadday caabuqa Coranavirus

 

Khamiis, Maarso, 12, 2020 (HOL)-Raiisel wasaaraha dalka Kanada Justin Trudeau ayaa si shaqsiyan ah isku karantiilay kadib markii uu isaga shakiyay inuu qaadday coronavirus, xafiiskiisa ayaa warkaasi ku dhawaaqay.

newsinsideXaaskiisa Sophie Gregoire-Trudeau, ayaa iyadana laga dareemay astaamo fudud oo xanuun ah goor dambe oo Arbacadii ah.

Labada lamaane ayaa gurigooda kasoo bixindoonin ilaa natiijada baaritaanka la soo saaro. Raysal Trudeau isagu ma muujinayn wax astaamo ah.

Kanada, 103 kiis ayaa la xaqiijiyey inuu ku dhacay coronavirus-ka.

Sida uu sheegayo dhaqtarkiisa, Mr Trudeau  wuxuu sii wataa howlihiisa maalinlaha ah isagoo si taxadar leh u eegaya caafimaadkiisa.

Trudeau ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee qaada tallaabada taxaddarka. Madaxweynaha Mongolia wuxuu dhowaan shaqada ku soo noqday ka dib 14 maalmood oo karantiil ah kadib booqasho uu ku tegey Shiinaha bishii Febraayo.

Qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiinta adduunka ayaa si gooni gooni ah isu karantariilay ka dib markii lala xiriiriyay fayraska. Waxaa ku jira shan sarkaal oo ka tirsan Jamhuuriga Mareykanka iyo wasiir ka tirsan Canada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]