Dharkayn-geenyo oo caleemo saarka Garaad Mukhtaar iyo Muuqaalka guud ee goobta


Khamiis, Maarso, 12, 2020 (HOL)-Dharkayn, ama Dharkayn-geenyo waa magaalo yar laakiin mudo dheer soo jirtey, waxaana mageceedu ka soo jeeda 1920kii xiligii daraawiishi ka baxday Taleex ayay ku hakadeen waxaana la yidhaa waxaan fardo ahayn may wadan, goobtan ayay ku qasheen geenyo.

newsinsideDharkayn waxaa mara xadka dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo laba u qaybiya, waxayna xadka gobolka Sool ka soo afjartaa dhinaca Buuhoodle.
 
Magaaladan dhamaadkii qarnigii tegey ayaa lagu caleenasaaray Garaad Cali Buraale Xasan Gaba'aweyte oo dhalay garaad Mukhtaarkan alle naxariistiisa hawgu dooq'e.
 
Sidoo kale waxaa lagu xasuustaa magaaladan in ay bud dhig u ahayd wadahadalo dhaera oo colaad ku dhowaad 30 sano dhex taaley laba beelood oo koonfurta iyo galbeedka degmada Laascaanood wada dega tanina qayb ka tahay maantase nabad tisqaaday ay ka hana qaaday waana ta sahashey in in caleemasaarka garaadka lagu qabto iyadoo uu ku caana shubay Garaad Jaamac Garaad Cali iyadoo madax dhaqamedkii Soomaali inta badan cidi ka joogto.
 
Madasha oo ahayd mid aad looga sheqeeyey hanti badana loo huray ayaa waxaa is dhec yaala agabkii hidaha iyo dhaqanka iyo kuwii casiriga ahaa oo isku milan indhuhuna inbadan ayay ku madhquulayaan daawashadooda.
 
Gamaanka siiba fardaha oo goobtan magac ahaan u sidato ayaa wiilal bari og duleedka madasha barbariijinayeen iyagoo mararka qaarkoodna gudaha u soo gelaayey oo salaamayey madaxda kala duwan ee halkaasi ku kulantay.
 
Madashan oo xiisa kale leh waxaa isugu yimi madax iyo madax-dhaqameed qaarna Puntland ka yimaadeen Qaarna Somaliland waayo badana aanay dhaayahoodu isqaban.
 
Haatan waxaa socda qudbadihii ay masuuliyiintu jeedinayeen oo u badan dardaaran iyo waano, waxaana ka reeban hadal siyaasadeed ama xanaf kicin kara inta lagu jiro madasha waase furantahay in laysu qoor laabo wixii ka danbeeya.
 
Seynab Cabdi Warsame