
Khamiis, Maarso, 12, 2020 (HOL)- Maamulka Galmudug ayaa eedeyn ku eedeeyay Dowlad Gobolleedka ay ood-wadaagga yihiin ee Puntland in ay faragalin ku heyso arrimaha siyaasadda Galmudug.
newsinsideAfhayeen u hadlay Galmudug oo lagu magacaabo Cismaan Ciise Nuur Taardhuleed oo la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in Puntland fara-galin ku heyso arrimaha siyaasadda Galmudug.
Wuxuu sheegay afhayeenka in maamulka Galmudug iyo biulshada ku dhaqan intaba go'aan ka qaadan doonaan Puntland haddii aysan joojin sida uu hadalka ku dhigay fara-galinta, laakiin ma uusan sheegin waxa ay tahay fara-galinta ay ku eedeynayaan Puntland.
Laakiin eedeynta ayaa imaneysa xili magaalada Garoowe ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Puntland lagu soo dhaweeyay hoggaanka sare Ahlu Sunna Waljameeca oo markii danbe halkaa ka soo saaray warsaxaafadeed ay ku cabaareeyeen dagaalkii ka dhacay degmada Dhuusa-Mareeb ee looga itaal roonaaday.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]