Maxkamada ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku riday xubin katirsan Daacish

 

Khamiis, Maarso, 12, 2020 (HOL)- Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku ridday Maxamed Cali Maxamed oo loo haysto dilka askari ka tirsan ilaallada deegaanka Xamar.

newsinsideMaxkamaddu waxay sheegtay ninkaan in uu katirsanaa ururka Daacish, isagoo kagasoo biiray buuraha Calmadow ee Puntland islamarkaana uu kamid ahaa jabhad Daacish kamid ah oo ka dagalaanta tuulada Miraale oo katirsan gobolka Bari.

Maxamed Cali Maxamed, ayaa markii dambe shaqadiisa loosoo wareejiyay magaalada Muqdisho halkaas oo uu ka geytay dilal qorshaysan, isagoo markii dambe lagu qabtay xilli uu dilayay askari katirsan dowladda hoose Xamar.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa sheegay in eedeysanaha uu qirtay dhammaan dambiyada lagusoo ooogay.Wuxuuna ku dhawaaqay in lagu riday xukun dil ah oo ah qisaasta dadkii uu  dilay.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]