$4.3 milyan oo ku baxday dhismaha iyo garoonka Baraawe oo 'kaaf iyo kala dheeri noqday'

 

Khamiis, Maarso, 12, 2020 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in si rasmi ah loo furay garoonka diyaaradaha magaalo xeebeedka Baraawe, kaddib markii toddobaadkan uu xarigga ka jaray ra'iisul wasaaraha xukuumadda ,Xasan Cali Khayre.

newsinsideGaroonkan ayaa waxaa la sheegay inay ku baxday 4.3 milyan oo dollar, arrintaa waxaa ay dhalisay dood, markii la soo bandhigay muuqaalka garoonka oo aan lahayen dhabbe dhisan oo ay dayuuraduhu ku ordaan sidoo kale dhismaha meesha ka muuqdaa kama wayna hal qol oo hal albaab oo laga galo leh, taaso markiiba loo arkay lacagta iyo muuqaalka dhisme inay kaaf iyo kala dheeri yihiin.

Markiiba waxaa la is waydiinayay ayaa aheyd haddii wali garoonka uu qabyo yahay oo ay wax u dhimanyihiin, balse arrintaa waxaa meesha ka saaray safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya,Nicolas Berlanga oo sheegay inuu garoonku dhamaystirmay kharashka ku baxayna uu sax yahay, arrintaa oo doodda xoojisay.

Waxaa kale oo warka Danjiraha ka muuqata in kharashkan oo ah deeq dibadeed ay beesha caalamku wax ka ogtahay ,maaddama xisaabtu aysan dhismaha garoonka ka muuqaan.

Ra'iisul wasaaraha Khayre, oo xoojiyay hadalka danjiraha  wuxuu dhankiisa sheegay in inta dhiman la dhammeystirayo isla markaana waddo 7 km ah oo isku xiraya garoonka iyo magaalada Baraawe ay dowladdu dhismihiisa ballanqaadeyso,balse waxaan la ogeyn in lacagtaasi tahay mid ka baxsan miisaaniyadda iminka la sheegay iyo inay ka mid tahay.

Qodobka ugu weyn ee loo cuskadday dhaqaalaha badan ee la sheegay inay ku baxday garoonka ayaa lagu sheegay in lacagaha ugu badan lagu bixiyay qalabka wax lagu dhisayay,maaddama deegaannada ku dhow Baraawe ay gacanka ugu jiraan ururka Al-Shabaab.

Ma qaabka ay xukuumadda wax u gudbinayo ayay wax ka qaldanyihiin ,mise beesha caalamka ayaa lafteedu musuqday, taasi ma kala cadda,waana midda ay wali su'aasha ka taagantahay.



Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan online