Khamiis, Feberaayo, 20, 2020 (HOL)- Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame oo ku xukumnaa xukun dil ah oo la xiriiray kiiskii Caa’isha Ilyaas Aadan ayaa markii ugu horeysay kasoo muuqday baraha bulshada isagoo xor ah, kadib maalmo dib loo dhigay fulinta xukunkiisa.
newsinsideWaxay arrintiisa kusoo beegmaysaa kadib markii ay soo baxeen xog ku saabsan in Ilyaas Aadan oo ah aabbaha dhalay Caa’isha Ilyaas uu cafiyay xukumanahaan kuna bedeshay Mag.
Warar kale ayaa sheegayay in cabdisalaan uusan kamid ahayn dadkii falkaas ka qeyb qaatay, caddaynta lagu helayna ay ahayd isku mid ahaanshaha hiddasidayaasha isaga iyo walaalkiis.

Hay’addaha garsoorka Puntland ayaa horey u sheegay in go’aan qisaasta dambiilayaasha uu xaq u leeyahay Aabbe Ilyaas, maamulkuna uu gutay waajibaadkiisii ku aadanaa in dambiilayaasha lasoo qabto cadaaladdana la horgeeyo.
Maalinta berito ah ayay ku beegan tahay mudadii tobanka cishe ahayd ee loo qabtay in kiiskiisa baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo.