Aadan Barre Ducaale oo loo haysto inuu raashin dhacay gaarsiiyay agoonta Gaarisa

 

Khamiis, Feberaayo, 20, 2020 (HOL)- Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Golaha shacabka Kenya, Aden Barre Ducaale ayaa loo haystaa in uu raashin waqtigiisii dhacay uu u qeybiyay agoonta  Gobolka Gaarisa.

newsinsideMadaxa baarista dambiyada (DCI) ayaa Xildhibaanka laga soo doorto Magaalada Gaarisa u yeeray shalay si uu ugu sharaxo eedeymaha loo jeediyay ee uu beeniyay.

Wargeyska The Nation ayaa ogaaday in Mr Ducaale la weydiistey inuu hor yimaado kaaliyaha Isbatooraha Guud ee Bilayska Benedict Oyaro si uu uga jawaabo cabashada ay dadka reer Gaarisa ka muujiyeen qeybinta raashin dhacay.

"Waxaan halkan uga baahanahay Aadan Ducaale inuu shaqsi ahaan hor yimaado Mr Benedict Oyaro oo ah kuxigeenka kormeeraha guud ee booliska ee baara dambiyada," ayaa lagu yidhi warkaan.

Mr Ducaale ayaa eedeymaha loo jeediyay ku tilmaamay dacaayad, isagoo sheegay in aan waxba laga weydiin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]