Khamiis, Feberaayo, 20, 2020 (HOL)- Ciidamada amniga Puntland ayaa dib xoriyadoodii ugusoo celisay saddex weriye oo maanta lagu xiray magaalada Gaalkacyo kadib markii ay isku dayeen inay tebiyaan cabasho ganacsatadu ka qabtay lacago cashuuraad ah oo lagusoo kordhiyay ganacsatada.
newsinsideWasaaradda maaliyadda Puntland ayaa amartay xarriga weriyayasha sida uu sheegay ururka saxaafada Puntland ee MAP, kaaso xarrigooda ku tilmaamay mid sharci darro oo lagu aamusinayo in ay saxaafadu waajibaadkeeda gudato.
Ujeedada loo xiray waxay ahayd in lagu daboolo shir-saxaafadeed ay soo qabanqaabiyeen Ganacsatada Magaalada Gaalkacyo oo ka cabanaya canshuur dheeri ah oo dhowaan lagu sameeyay.
Weriyayaasha la xiray ee dib xoriyadoodii u helay waxaa lagu kala magacaabaa, Saciid Nadaara, Jaamac Abdiwali iyo Ahmed Caanogeel, waxayse hadda ka cabanayaan in sharci darro lagu xiray laguna soo daayay.
Ka sakow xiritaanka, waxaa maanta badi albaabada u xirnaa xarumo ganacsi oo kuyaala waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kadib markii ganacsatadu ka biyo diideen canshuuro dheeraad ah oo lagu roogay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]