Gaadiid badan oo ku xanibmay jidka loo maro Haramaay iyo Hawaday oo dad gadoodsan oo ka soojeeda qoomiyada oromadu xidheen

 

Khamiis, Febraayo, 20, 2020 (HOL) –Gaadiid badan oo u kala safrayey Adis iyo Jigjiga ayaa saacado badan u xanibnaa mudaharaad ay samaynayeen qoomiyada Oromadda oo waxyeelo u gaysanayey dadka ka soo jeeda Amxaaradda.

newsinsideDad goobjoogayaal ah ayaa noo sheegay inay saacado badan ku xanibnaayeen inta u dhexeysa magaalooyinka Haramaay iyo Hawaday, kuwaas oo ka cabsi qabay in ay dadkani waxyeelo u gaystaan.

“Saacado badan ayaanu ku xanibanahay jidka looga leexdo Diridhaba iyo Herer, kuwaas oo ay hor taagnaayeen qoomiyada oromo oo gadoodsan, waxaana markii dambe na dhaafiyey ciidamada militeriga ah oo ciidan  raacinayey rakaabka si nabadooda loo ilaaliyo”ayuu yidhi mid ka mid ah dadkii ku xanibnaa jidkan.

Gaadiid badan ayaa ku xanibnaa tuulada Dhengago oo ah meesha ku kala leexdaan wadada Addis iyo Dira-dhaba, waxaana sii halis badnayd oo aan la mari karin ciidan la'aan dhinaca Herer .

Magaalooyinka ay wada degaan Oromada iyo Axmaarada ayaa baryahan dambe dagaalo la isla dhacayo dhagaxaan iyo Baangado ka socdeen magaalooyin badan, kuwaas oo kolba qollo la weerarayo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland