Khamiis, Feberaayo, 20, 2020 (HOL)- Nin lagu tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab ayaa isu soo dhiibay hay'adaha amniga ee Mandheera.
newsinsideIsdhiibistiisa ayaa kusoo beegantay maalin kadib markii saddex qof lagu dilay weerar bas oo ka dhacay gobolka waqooyi bari Kenya.
Salaad Hajir Jimcaale, oo 23 jir ah, ayaa isu soo dhiibay hay'adaha amniga magaalada Ceelwaaq ee Koonfurta Mandheera Khamiista maanta.
Wakiilka Gobolka Mandera Onesmus Kathya ayaa sheegay in tuhmanaha oo sitay qori AK-47 ah lagu hayo Saldhigga Booliska Ceelwaaq si su'aalo loo waydiiyo.
Warbixinno horudhac ah oo laga helayo waxay sheegayaan in tuhmanaha uu ka yimid deegaanka Ashabito ee Rhamu ee Waqooyiga Mandheera. Waxaa uu watay lebis militari iyo joornaalo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]