4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 11, 2019
Wararkii ugu danbeeyay ee xaalada magaalada Beledweyne

 

Talaado, June, 11, 2019 (HOL) –Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee BBCda ayaa si kooban uga hadlay waxa uu kala socdo iska horimaad uu ku dhintay taliyihii Booliiska gobolka Hiiraan Maxamed Macoow oo maanta ka dhacay deegaanka Kala –Beyr ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu socdo baaritaan la xiriira sida ay wax u dhaceen, laakiin inta uu ka ogyahay taliyaha uu ku dhintay weerar sida uu hadalka u dhigay ay qaadeen ciidamo ka tirsan NISA iyo ciidamo ka amar qadanayay guddoomiyihii hore Yuusuf Axmed Hagar oo ka hor yimid xil ka qaadista lagu sameeyay.

Xaalada ayaa degan caawa waxaana soconaya kulamo kala duwan oo ay wadaan wax-garad iyo odayaal dhaqameed doonaya in xaalada la qaboojiyo.

Goobta iska hor-imaadka uu ka dhacay ayaa waxay il-dhaqaale u tahay maamulka Hir-Shabeelle waxana lacago canshuur ah looga qaadaa gaadiidka isaga gala goosha gobollada dhexe iyo Itoobiya.

Wali kama uusan hadlin guddoomiyihii hore Yuusuf Daba-geed eedeymaha loo jeedinayo ee ah in uu ku lug lahaa iska horimaadkii maanta ka dhacay deegaanka Kala-Beyr.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in maalinta berri ah la filayo in magaalada Beledweyne ay soo gaaraan mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle iyo dowladda federaalka si loo qaboojiyo xiisada taagan.

Guud ahaan marka la eego arrimahan soconaya ayaa salka ku haya xil ka qaadis uu madaxweynaha Hir-ShabbeelleMaxamed Cabdi Waare Sabtidii toddobaadkan uu ku sameeyay guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]