4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 11, 2019
Shirka waddamada geeska Afrika ee is-dhexgalka iyo ganacsiga oo lagu soo gabagabeeyay Addis Ababa

Talaado, June , 11, 2019 (HOL)- Waddamada geeska Afrika ayaa shir uga soo gabagaboobay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, iyadoo shirka looga hadlay ganacsiga, is-dhexgalka iyo dib u dhiska waddooyinka.

Dowladda Soomaaliya oo xubin ka ah ururka waddamada geeska Afrika ayaa shirka waxaa uga qeybgalay wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Bayle Ducaale, waxaana uu sheegay wasiirka in qodobbo muhiim ah ay kala soo laabatay Soomaaliya shirka.

"Waxa laga wada-hadlay waa sidee wax u wada-qabsan karnaa , waddan waliba muxuu keeni karaa ee uu ka dabooli karaa baahiyaha faraha badan leh ee soo fodsaaray geeska Afrika ." ayuu yiri wasiir Bayle oo la hadlay BBC-da.

Wasiirka ayaa inta ku daray shirka in diiradda lagu saaray saddex qodob dib u dhiska waddooyinka , waddan walba waxa uu keeni karo, horumarinta bulshada gobolka, ganacsiga iyo is dhexgalka.

"Soomaaliya waxaa ay shirka kala soo laabatay in dekedaha la xoojin doono ,dekeddo yar yar oo kalluumaysi in la dhiso , in la dhiso waddooyin meelaha laga saaro oo tagaya Itoobiya iyo Kenya , in waddooyinka ay la-haaddaan meel la isugu yimaaddo." ayuu ku daray wasiirka maaliyadda.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Bayle, wuxuu sheegay shirka oo daba socday kulan horey uga dhacay magaalada New York ee dalka Maraykanka inay qodobbo muhiim ah ka soo baxeen, oo la filayo inay maalgaliyaan Midowga Afrika iyo bangiga adduunka.

Dalalka geeska Afrika ayaa waxaa xubno ka ah ,Jabuuti, Eritrea, Itoobiya, Soomaaliya iyo Kenya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]