Fannaanka Nimcaan Hillaac oo loo oggaaladay inuu ka mid noqdo hoballada Waaberi xil sarana loo magacaabay


Talaado, June , 11, 2019 (HOL)- Heesaga caanka ah ee Nimcaan Cabdiraxmaan Xasan (Nimcaan Hillaac) oo ka mid ah fannaaniinta da'yarta ah ee Soomaaliya ayaa loo oggaaladay inuu ka mid noqdo hoballada Waaberi.

newsinsideFannaanka Nimcaan Hillaac, ayaa sidoo kale loo magacaabay agaasimaha wax soo saarka iyo howl-gelinta hoballada Waaberi,sida ku cad wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).

Wasiirka warfaafinta, ayaa isla wareegtadan xilkii Agaasimenimo uga qaadday Agaasimihii hore ee wax soo saarka iyo howl gelinta hoballada Waaberi , Maxamed Xasan Barroow,iyadoo loo magacaabay agaasimihii hore ee wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi in uu noqdo la-taliyaha wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee arrimaha horumarinta Fanka iyo isku xiriirka kooxaha heer Qaran.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online
[email protected]