3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 11, 2019
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhagax Dhigay Dhismaha Warshaddda Dharka Ciidamada Qalabka Sida

Talaado, June, 11, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka dhagax dhigay dhismaha xarunta warshad soo saareysa dharka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Warshadda oo soo saaraysa dharka ciidanka oo leh tixraan fududaynaya in askari kasta ee Soomaaliyeed uu helo labis u gaar ah, ayaa meesha ka saaraysa dharkii ciidanka ee laga keeni jiray dibadda iyo in dharka ciidanka ay isticmaalaan shaqsiyaad aan ciidanka qayb ka ahayn.

Dowladda Turkiga ayaa Warshadda iyo dhammaan waxyaabaha ay ku shaqaynayso ugu deeqday dowladda federaalka Soomaaliya, oo hadda gacanta ku haysa, waxaana la howl gelinayaa warshadda marka uu dhamaado dhismaha ay ku shaqaynayso si ugu dambayn ay u shaqo billaawdo horraanta sannadka 2020.

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa fulinaya dhismaha warshadda oo qorshuhu yahay in lagu dhammeeyo sannadkaan gudihiisa, iyada oo qalabka lagu dhisayo xarunta ay soo saarayso warshad uu leedahay taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo dib loo howl geliyay.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kormeeray warshadda qalabka dhismaha ayaa ku bogaadiyay taliska asluubta dadaalka ay u galeen in ay dib u howl geliyaan warshadda, waxa uuna faray in xilliga loo qorsheeyay lagu dhammays tiro dhismaha warshadda dharka ciidanka oo muhiim u ah dalka, qaybna ka qaadanaysa horumarinta amniga iyo qalabaynta ciidanka.

Wasiirka difaaca , Taliya ciidanka xoogga iyo safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa goob joog ka ahaa munaasabadda dhagax dhigga warshadda soo saaraysa dharka ciidanka qalabka sida.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/11/2019 2:27 PM EST
Talaado, June, 11, 2019 (HOL) –Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee BBCda ayaa si kooban uga hadlay waxa uu kala socdo iska horimaad uu ku dhintay taliyihii Booliiska gobolka Hiiraan Maxamed Macoow oo maanta ka dhacay deegaanka Kala –Beyr ee gobolka Hiiraan.

6/11/2019 12:53 PM EST
Talaado, June, 11, 2019 (HOL)-Degaanka Harar oo ka mid ah Degaanada dalka Itoobiya ayaa laga xusaa maanta oo kale Xuska Ciidda Shawaal oo ay dadka Heraridu xusaan kaddib markay soo soomanaayeen 6dii maalmood ee Shawaal.

6/11/2019 11:56 AM EST
Talaado, June, 11, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan dalalka Geeska Afrika Mudane Alexander George Rondos oo uu weheliyo Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Mudane Nicolás Berlanga Martinez

6/11/2019 9:02 AM EST
Talaado, June, 11, 2019 (HOL)-Taliyihii qeybta Booliiska gobolka Hiiraan ayaa ku geeriyooday iska horimaaad goor dhaw oo maanta ah ka dhacay dulleedka magaalada Beledweyne gaar ahaan deegaanka Kala-Beyr.

6/11/2019 7:06 AM EST
Talaado, June , 11, 2019 (HOL)- Taliyaha ciidanka xoogga dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe), ayaa sheegay ciidammada xoogga Soomaaliya inay wadaan dedaallo lagu doonayo sidii al-Shabaab looga saari lahaa dalka.

6/11/2019 5:27 AM EST
Talaado, June , 11, 2019 (HOL)- Ciidammada Puntland oo dabayaaqadii bishii hore isaga baxay deegaanka Af Urur ee gobolka Bari ayaa dib halkaa ugu laabtay.

6/11/2019 5:17 AM EST
Talaado, June , 11, 2019 (HOL)- Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ,Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho, iyadoo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde lagu soo dhaweeyay.

6/11/2019 5:07 AM EST
Talaado, June , 11, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya,Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay xubin buuxda ka noqotay Golaha Sare ee Garsoorka Afrika.

6/11/2019 4:51 AM EST
Talaado, June , 11, 2019 (HOL)- Waddamada geeska Afrika ayaa shir uga soo gabagaboobay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, iyadoo shirka looga hadlay ganacsiga, is-dhexgalka iyo dib u dhiska waddooyinka.

6/11/2019 4:31 AM EST
Talaado, June , 11, 2019 (HOL)- Ciidanka milatariga Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa ku soo bandhigay degmada Baardheere labo sarkaal oo horay uga tirsanaa ururka al-Shabaab oo dhowaan isku soo dhiibay ciidammada dowladda.

6/11/2019 4:24 AM EST
Talaado, June , 11, 2019 (HOL)- Heesaga caanka ah ee Nimcaan Cabdiraxmaan Xasan (Nimcaan Hillaac) oo ka mid ah fannaaniinta da'yarta ah ee Soomaaliya ayaa loo oggaaladay inuu ka mid noqdo hoballada Waaberi.

6/11/2019 4:11 AM EST
Talaado, June , 11, 2019 (HOL)- Wasiirka arrimaha dibadda dalka Norway, Ine Marie Eriksen Søreide ayaa socdaal aan horey loo sii sheegin shalay ku timid caasimadda Muqdisho, halkaa oo ay kullamo kula qaadatay madax sare oo dowladda federaalka ka tirsan.

6/11/2019 3:36 AM EST
Talaado, June , 11, 2019 (HOL)- Shirka amniga caasimadda Muqdisho oo uu xalay guddoomiyay , Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa lagu qiimeeyay xaalada guud ee caasimadda.

6/11/2019 3:26 AM EST
Talaado, June , 11, 2019 (HOL)- Hal qof ayaa ku geeriyooday diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ku dhacday dhisme dabaq ah oo ku yaal bartamaha magaalada New York ee dalka Maraykanka.

6/11/2019 12:39 AM EST
Talaado, June , 11, 2019 (HOL)-Ku dhawaad boqol qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay tuulo ku taalla bartamaha dalka Mali Isniintii, sida ay sheegeen mas’uuliyiin.