4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 28, 2019
Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Batroolka DFS Mohamud Abdikadir Hilal oo la kulmay Jaaliyada Ohio


Axad, July, 28, 2019 (HOL)- Wasiir ku xigeenka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Mohamud Abdikadir Hilaal ayaa kulan cashaa xalay la qaatay jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Columbus Ohio .

Wasiir ku xigeenka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Mohamud Abdikadir Hilaal ayaa kulan cashaa xalay la qaatay jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Columbus Ohio .

Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha Bulshada waxaa ka hadlay aqoonyahano Culumo iyo waxgarad ,kuwaas oo Wasiir ku xigeenka iyo wasaradiisa ku amaanay howsha ay bulshada u hayaan iyaga oo dhanka kale u dardaarmay Hufnaan iyo daacadnimo ku salaysan qayraadka dalka iyo in laga difaaco in u dayac la darso.

Wasiirka oo dalkan mareykanka u yimid in uu kaga qeyb galo shirka Qurba joogta Soomaaliyeed oo looga hadlayay kobcinta iyo saro u qaadida dhaqaalaha Soomaaliya ayaa shirka ka dib u soo socdaalay gobolka Ohio isaga oo kulamo la qaadanayay qeybaha Bulshada gobolkan.

Waxa uu wasiirku ka warbixiyay Heerarkii ay wasaaradu soo martay halka ay taagantahay iyo Halka ay hiigasanyaan isaga Rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya ay leedahay Hanaan la saan qaadi kara midka dalalka shidaalka leh oo ay tahay in dowlad walba oo dalka soo martaa ay halkeeda ka anba qaado iyada oo lagu xisaabtamayo in dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay u bahanyihiin xiligan in ay ka faaiideystaan qayraadkooda si Nidaamsan.

Kulamo aad u badan oo ku saabsan Shidaalka iyo shirar caalami ah oo wasaaradu ka qeyb gashay ayuu ka warbixiyay isaga oo farta ku fiiqay dadka Soomaaliyeed in ay tahay in fahmaan in shidaalku uu yahay qayraadkoodii usana jirin qof, shirkad, ama dowlad ku xadgudbi karta iyagana looga bahanyahay in aysan ka shaqeeyn dib u dhaca dalkooda iyo horumarkiisa.

"Hadii aanan shidaalka la soo bixin waxaa soo dhow oo aad la socotaan xiligii laga gudbi lahaa isticmaalka shidaalka iyada oo loo gudbayo adeegsiga Qiraxda, Biyaha, Saliida, iyo waxyaabo kale oo looga maarmi doono shidaalka taas oo dhabar jab ku noqon doonta wadamada aan la soo bixin shidaalkooda oo ay Soomaaliya ka mid tahay" ayuu yiri Wasiirka oo muujinayay sida dunidu usii guurayso iskuna badalayso.

Aqoonyahankii ka hadlay xaflada Cashadaa ayaa ku baaqay in wasaarada iyo dowladuba ay wakiil ka yihiin Soomaaliya lana aaminay isla markaana looga fadhiyo in ay wax la isku halayn karo u soo bandhigaan shacabka kuna qanciyaan howsha ay hayaan.

Howlaha shidaal qodista iyo raadinta Shirkado la isku halayn karo waxay ku soo adayaan xili shacabka Soomaaliyeed ka warsugayaan Waxa ka soo baxa Maxmada ICJ iyo muranka Badda Soomaaliya ee Kenya ay doonayso.
 
Deeqo Shire (SONNA)