4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 28, 2019
Dowladda Masar oo ballanqaaday inay gacan ka siinayso Soomaaliya la-dagaallanka Al-Shabaab

Axad, July, 28, 2019 (HOL)- Dowladda Masar oo si adag u cambaareysay weerar toddobaadkii hore ka dhacay gudaha dhismaha xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, ayaa ballanqaaday inay gacan ka siinayso dowladda sida ay ugu guuleysan lahayd dagaalka ka dhanka ah wax loogu yeeray 'xagjirka'.

Toddobo ruux oo dhammaantood ah mas'uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa weerarkii Arbacadii ku dhintay, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo uu ka mid yahay guddoomiyihii gobolka, Cabdiraxmaan Yariisow.

"Dowladda Masar waxay ka garab-siinaysaa dadka iyo dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada iyo argagixisada." ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Masar.
"Waxaan dowladda Soomaaliya ka caawineynaa dib u dhiska hay'addaha oo xooggan iyo xasiloonida guud ee dalka." ayuu ku daray bayaanka.

Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al Qaacida ayaa mas'uuliyada weerarka oo ismiidaamin ahaa sheegatay, waxaana wali socda baaritaanno la xiriira weerarka, sida ay sheegeen saraakiisha amniga ee Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]