4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 28, 2019
Deni oo guddoomiyay shirka amniga Puntland

Axad, July, 28, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland ,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shir guddoomiyey shirka amniga Puntland oo ka qabsoomay xarunta madaxtooyada Garoowe waxaa qayb ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Waxaa kale oo madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinaayey shirka Wasiirka Amniga, Taliyaha Ciidammada Daraawiishta, taliyaha ciidammada Booliska, Taliyaha qeybta gobolka Nugaal, Taliyaha Ciidammada Asluubta, taliyaha ciidammada birmadka, taliyaha CID-da, taliyaha ciidammada Madaxtooyadda, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo masuuliyiin kale.

Ujeedka shirka amniga Puntland ayaa daaranaa isxog-wareysi guud, dardargelin hawlgallada amniga lagu sugayo iyo u diyaar garawga Xuska Aasaaskii Puntland.

Madaxweynaha Puntland,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka dhegaystay mas'uuliyiinta laamaha amniga warbixin la xiriirta Amniga iyo howlaha dardargelinta amniga ee ay hadda-wadaan Ciidammadu, waxaana ay sheegeen in xaaladda amni ee dhammaan deegaannada Puntland ay wanaagsantahay.

Ugu danbeyn,Madaxweyne Deni ayaa faray saraakiisha ciidammada, iyo mas'uuliyiinta laamaha amniga ee heer dagmo iyo heer gobol adkeynta amniga guud, iyo si gaar ah in la xoojiyo amniga maalmaha lagu jiro toddobaadka Puntland iyo dabaaldegyada 1-da August, ee dhammaan ka dhacaya gobollada kala duwan ee Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]