4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 28, 2019
Madaxweyne Biixi oo kulan gaar ah la yeeshay ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

 

Axad, July 28,  2019  (HOL – Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay wefti ballaadhan oo ka socda jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa oo uu hoggaaminayo wakiilka gaar ah ee xog-hayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador James Swan.

Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay weftiga uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa lagaga wada-hadlay arrimo door ah oo ay kamid yihiin hirgelinta mashaariicda kala duwan ee hay’adaha qaramada midoobay ka wadaan Somaliland, sidii ay qaramada midoobay iyo Somaliland iskaga kaashan lahaayeen ka midho dhalinta hawlaha bani’aadamnimo ee dalka ka socda iyo arrimaha doorashooyinka Somaliland oo uu sheegay in loo baahan yahay in doorashada wakhtigeedii la qabto.

Kulanka kaddib, waxa saxaafadda la hadlay wasiirka Maaliyadda Sacad Cali Shire iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay Amassador James Swan, waxaanay sheegay inay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka, mashaariicda horumarinta qaramada midoobay ku fuliso Somaliland.

Wakiilka gaarka ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador James Swan, ayaa bogaadiyey horumarka ay Somaliland ka gaadhay dhinacyada, ammaanka iyo dhaqaalaha, waxaanu sheegay in markii ugu horeysay yimid Somaliland sanadkii 1995, laba jeer oo kale uu ku soo noqday Somaliland, taas oo uu xusay inay horumar badan ku talaabsatay.

 

“Waxa aan wada-hadal wanaagsan la qaatay madaxweynaha iyo wasiirradiisa, waxa aannu si gaar ah uga wada hadalnay sidii dhidibbada loogu adkayn lahaa guulaha iyo horumarka ay Somaliland gaadhay, iyada oo si nabadgelyo ah loo xallinayo dhammaanba waxyaabaha lagu kala duwan yahay, lana joogtaynayo hannaan wada-hadalka,” ayuu yidhi James Swan.

Waxa uu sidoo kale guul ku tilmaamay xalka ay madaxda qaranku ka gaadheen caqabadihii ka taagnaa qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiillada, taas oo uu calaamad u ah horumarka ay Somaliland ku socoto.

Sidoo kale, waxa uu wakiilku hoosta ka xarriiqay inay dedaal badan geliyeen kor u qaadista hawlaha bani’aadamnimo iyo gacan siinta bulshada nugul iyo qaxootiga ay qaramada midoobay caawiso.

Kulankan madaxweynaha iyo wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay wada qaateen waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wasiirrada wasaaradaha horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, xannaanadda Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Xasan Maxamed Cali, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, mudane cabdiqaadir Cumar Jaamac, La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Dr. Cismaan Sheekh Axmed iyo Ergeyga gaar ah ee Somaliland u qaabilsan Haaya'dda caalamigaa iyo qarmada midoobey Dr Maxamed Warsame Ducaale.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.