3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 28, 2019
Ergadii soo dooratay xildhibaannada Federaalka oo looga digay in ay u hoggaansamaan awaamiirta Al-shabaab

 

Axad, July, 28, 2019 (HOL)- Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saaray digniin loo dirayo Ergadii soo dooratay Xildhibaannada golaha Shacabka oo ay dhawaan u yeereen Al-Shabaab.

Taliyaha qeybta Booliiska Koonfur Galbeed Col Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in Amarka kasoo baxay Al-Shabaab ay ka leeyihiin laba u jeedo oo kala ah inay lacag farabadan ka qaadaan odayaasha ama ay weeydiiyaan in uu iibiyaan hub ay ku dagaalamaan.

‘’Cid kasta oo u tagta Al-shabaab, waxaan leenahay waa Al-shabaab, maaamulkana wuxuu ka qaadi doonaa talaabada ku haboon ayuu yiri taliyaha.

Taliyaha ayaa sheegay in ergada qaarkood ay qaateen amarkii Al-Shabaab oo ay tageen deegaanadooda kuwo kalena ay amarkaas diideen,waxaana uu sheegay in qof alaala qofkii qaata Amarka Al-Shabaab ay Xabsiga dhigi doonaan,isla markaana tallaabo ay ka qaadayaan.

Ergadii soo dooratay xildhibaannada Golaha Shacabka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa xilligaan waxaa ay wajahayaan culeyso waaweyn, iyada oo hanjabaad ay uga kala imaanayaan Dowladda Federaalka iyo Ururka Al-Shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]     

 
 













Click here
7/28/2019 3:07 PM EST
Axad, July, 28, 2019 (HOL)- Wasiir ku xigeenka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Mohamud Abdikadir Hilaal ayaa kulan cashaa xalay la qaatay jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Columbus Ohio .

7/28/2019 12:49 PM EST
Axad, July, 28, 2019 (HOL)- Guddi uu ra'iisul wasaare ku-xigeenka u magacaabay maareynta qaraxii ka dhacday xarunta gobolka Banaadir iyo sidii gurmad deg-deg ah loogu fidin lahaa dhaawacyada ka dhashay qaraxa, ayaa bulshada Soomaaliyeed la wadaagay warbixin hor-dhac ah oo ku saabsan wax-yaabiihii u qabsoomay labadii maalmood ee la soo dhaafay.

7/28/2019 12:31 PM EST
Axad, July, 28, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shir guddoomiyey shirka amniga Puntland oo ka qabsoomay qasriga madaxtooyada Garoowe waxaa qayb ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

7/28/2019 11:21 AM EST
Axad, July, 28, 2019 (HOL)-Guddiga Arrimaha Dibadda Golaha Shacabka oo kulan la yeeshay maanta Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa su'aal ka weydiiyay eedeyntii dhawaan loo jeediyay dowladda Qatar.

7/28/2019 9:01 AM EST
Axad, July 28, 2019 (HOL – Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay wefti ballaadhan oo ka socda jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa oo uu hoggaaminayo wakiilka gaar ah ee xog-hayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador James Swan.

7/28/2019 8:16 AM EST
Axad, July, 28, 2019 (HOL)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga Wakiilka cusub ee Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobey ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan (WFP) u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Cesar Arroyo.

7/28/2019 4:56 AM EST
Axad, July, 28, 2019 (HOL)- Dowladda Masar oo si adag u cambaareysay weerar toddobaadkii hore ka dhacay gudaha dhismaha xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, ayaa ballanqaaday inay gacan ka siinayso dowladda sida ay ugu guuleysan lahayd dagaalka ka dhanka ah wax loogu yeeray 'xagjirka'.

7/28/2019 4:48 AM EST
Axad, July, 28, 2019 (HOL)- Waxaa soo baxaya warar sheegaya in madaxda ugu sareysa Ahlu Sunna Waljameeca ka biyo -diidan yihiin qorshe dowladda federaalka Soomaaliya kula wareegeyso Amniga degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah maamulka Galmudug.

7/28/2019 4:22 AM EST
Axad, July, 28, 2019 (HOL)-Sanad kasta maanta oo kale ayaa laga maamuusaa dunida oo idil maalintta khatarta cudurka Cagarshowga oo ka mid ah cudurrad halista ah ee ku dhaca Aadanaha.

7/28/2019 4:14 AM EST
Axad, July, 28, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay weerar ismiidaamin ah oo xarunta gobolka Banaadir ka dhacay Arbacadii toddobaadkii hore ayaa markii ugu horreysay war laga soo saaray.

7/28/2019 1:54 AM EST
Axad, July, 28, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in diyaaradaha Mareykanka duqeyn ku dileen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama ee ka dagaalama qeybo ka mid ah gobolka.

7/28/2019 1:37 AM EST
Axad, July, 28, 2019 (HOL)- Hay,ada UNHCR Xafiiskeeda Dadaab ayaa soo saartay warbixin ay uga hadlayso xaladaha Qaxotiga Dadaab iyo tirada Dadka halkaas ku nool oo hoos u dhacday oo ay gaartay meeshii ugu hooseysay abid.