4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 17, 2019
Xisbiga WADDANI oo dhaliilo usoo jeediyey siyaasadda arrimaha Dibada iyo gudaha ee Somaliland u shaqayso

 

Arbaco, July, 17, 2019 (HOL)-Xisbiga mucaaradka ee WADDANI ayaa dhaliilo usoo jeediyey siyaasadda arrimaha gudaha iyo arrimaha dibadda ee xukuumadda madaxweyne Biixi.

Xog-hayaha guud ee xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi ayaa sheegay in siyaasadii arrimaha dibadda Somaliland hoos uga dhacday halkii uu gaadhsiiyey madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale, taas oo wakhtigiisii lagaga dooday midowga Afrika.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha laga bedelo wasiirka Arrimaha Guduhu maadaama oo uu ku fashilmay inuu xaliyo dagaal beeleedka ka jira bariga Somaliland, taas oo fool xumo u keenaysa sawirkii guud ee Somaliland.

“Siyaasadii Somaliland waxa loo gacan galiyey NGO-yo si lacag loogu sameeyo oo loogu naas nuujiyo cid gaar ah, waxaana shirkii ka dhacay Nayroobi oo NGO uu soo qabanqaabiyey uu Somaliland lagu casuumay wasiiro, halka Soomaaliya agaasimaha madaxtooyada, taas oo wax u dhimaysa sharaftii Somaliland.”ayuu yidhi Khadar Xuseen.

“Madaxweynuhu wuxuu tagay wadan yar oo ku yaal galbeedka Afrikaca oo Giini la yidhaahdo, waxaase wax lala yaabo ah sida arrinkaasi u weynaynayan ee looga dhigay in aynu wax weyn u gaadhnay, iyadoo la ogaa sanadkii 2005-kii Madaxweyne Daahir Rayaale waxa uu la kulmay madaxweyneyaal badan oo Afrika, taasina waxay keentay in qadiyadeena lagaga hadlo midowga Afrika, waxaanay inoo soo direen wefti ,kuwaasi oo gobolada iyo dadkabaa waraystay warbixin fiicanna naga gudbiyey, balse madaxweyne Muuse waxa kaliya uu sheegay in la soo dhoweeyey oo roog cas loo dhigay laakiin nuxur siyaasi ahi kama soo bixin kulmadaasi.”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Xoghayaha guud Khadar Xuseen waxa uu sheegay in siyaasada arrimaha dibadda Somaliland aan caadifad laga dhigin ee loo baayahan Cilmi iyo Caqli.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.