4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 17, 2019
Dad shacab ah oo lagu dilay weerar lagu qaaday gaari ay la socdeen dulleedka degmada Balcad

 

Arbaco, July, 17, 2019 (HOL)-Inta la xaqiijinayo Afar ruux oo labo ka mid ahaayeen  Dumar ayaa ku dhintay weerar lagu qaaday gaari ay la socdeen dulleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Gaarigan la rasaaseeyay oo ahaa Hoomeey ayaa xiligaa marayay  marayay Tuulada Xoonshooleey ee dulleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Qof ka mid ah eheladda dadka weerarkan ku dhintay  ayaa sheegay in  maleeshiyaadka ay marka hore Darawalka Gaariga ku amreen in uu  joojiye, balse uu ka dhaga-adeygay, taasoo keentay ay rasaas ku furaan.

Dhinaca kale iska horimaad hubeysan oo ku dhex maray deegaan u  dhexeeya magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe  maleeshiyo hubeysan ayaa sababtay geerida labo ruux  kaddib markii muran  ka dhashay lahaanshaha dhulka.

Waddada isku xirtay Muqdisho iyo Jowhar ayaa inta badan dadka iyo gaadiidka isticmaala waxaa ay la kulmaan weerarrada noocan ah oo ay geystaan maleeshiyaad hubeysan iyo kooxo ka tirsan Ururka Al-shabaab. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]