4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 17, 2019
Garoowe: Shirka Madasha Shaqo Abuurka Qaran ee dowladda federaalka iyo Dowlad-gobolleedyada oo warmurtiyeed laga soo saaray


Arbaco, July, 17, 2019 (HOL)- Shirka madasha Shaqo Abuurka Qaran oo saddexdii maalin ee u dambeysay ka socday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa maanta la soo gabagabeeyay warmurtiyeedna laga soo saaray.

Shirka oo uu guddoominayay muddada uu socday wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirrada Shaqada ee dhammaan dowlad-gobolleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

War-murtiyeedka shirka laga soo saaray oo 11 qodob ka koobnaa ayaa lagu caddeeyay in shaqo abuurka uu yahay muhiimada koowaad ,iyada oo muddada uu shirka socday dooddo laga yeeshay mashruuca shaqo abuurka dhallinyarada iyo sida kor loogu qaadi karo shaqaaleysiinta.

Hoos ka akhri warmurtiyeedka shirka ka soo baxay;

                                                               

                                       Madasha Shaqo Abuurka Qaran
                                           Warmurtiyeed
                                     Garoowe, Puntland, Soomaaliya
                                           14-17 July 2018


Kullankii 1aad ee madasha Shaqo Abuurka Soomaaliyeed oo ay ka soo qayb-galeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, Wasaaraddaha Shaqada ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad-gobolleedka Puntland, intii u dhaxeysay 14ka illaa 17ka Luulyo 2019 ka.

Madasha waxaa ka soo qaybgalay Wasiirrada,Agaasimeyaasha Guud, Agaasime Waaxeedyadda,Khuburada Wasaaraddaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirku intuu socday waxaa lagu fallanqeeyay Arrimaha badan oo muhiim ah, oo la xiriira xoojinta dadaallada, Jiheynta Dhallinyarada iyo Shaqo Abuurka.

Shirka waxaa ka soo baxay Go'aamadda hoos ku xusan;

1- In Shaqo Abuurka yahay muhiimada koowaad ee Qaranka.

2- Waxaa qiimeyn dhab ah lagu sameeyay mashruuca shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed oo gabo gabo maraya, waxaana la isla gartay in caqabadihii jiray si wada jir ah loo xalliyo, guulihii mashruucana la boggaadiyo.

3. In la ballaariyo mashaariicda Shaqo Abuurka, lana gaarsiiyo dhammaan qaybaha kala duwan ee Dalka.

4- Si looga jawaabo baahiyaha ka jira xirfadaha in la soo nooleeyo dugsiyadii farsamada Gacanta ee Dowladda Gacanta ku haysay, lana hirgaliyo kuwa cusub.

5. In la xoojiyo hab-maamulka Shaqo Abuurka Dalka, Lana mideeyo dadaallada kala duwan ee Shaqo Abuur.

6. In la dhiirrigaliyo Ganacsiyada Waawayn, Yar yar iyo hal-abuurka Dhallinyarada.

7. In Maalgashi dhab ah lagu Sameeyo,fursado shaqana laga abuuro qaybaha kala duwan ee wax soo saarka Dalka.

8. In Dowladda Federaalka iyo Dowladda Xubanaha ka ah iyo Maamul Gobolka Banaadir si joogto ah uga wada-shaqeeyaan, Mashaariicda Shaqo Abuurka.

9. Madashu waxay uga Mahadcelineysaa Dowlad-gobolleedka Puntland, gaar ahaan Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha soo Dhaweynta,Marti-gelinta iyo Dadaallada ay Galisay Guusha Shirka.

10. Madashu waxay sidoo kale u Mahad-naqaysaa, Hay'adaha Qaramada Midoobay ee Qaybta ka ah Mashruuca Shaqo Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed.

11. Gabagabadii, Madasha waxay ay uga danbayn u Mahadcelineysaa Deeq-bixiyayaasha,kaalintuu mugga lahayd ee ay ka qaateen Hirgalinta Mashruuca Shaqo Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed, Waxayna Madashu ka Codsatay inay sii wadaan taageeradaas.

Dhammaad

1. Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xil. Sadiiq Xirsi Warfaa.

2. Wasiirka, Wasaaradda Sh. Sh. Dh. iyo Ciyaaraha Puntland, Mudane Jaamac Faarax Muuse.

3. Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaradaha Jubbaland, Mudane Cismaan Xuseen Xaaji.

4. Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Hirshabeelle, Mudane Maxamed Sheekh Cali.

5. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaysiinta Galmudug, Mudane Daahir Faarax Fiidow.

6. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Koonfurgalbeed, Marwo Shamso Ibraahim Maxamed.

7. Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir, Mudane Aadan Sheekh Cali Fiidow.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online