4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 17, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo dalacsiiyay Saraakiil Boolis


Arbaco, July, 17, 2019 (HOL) -Madaxweynaha  Soomaaliya , Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalacsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ,iyada oo arrintaa lagu sheegay inay ka dambeysay talo soo  jeedin ka timid Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Ameeriko.

Munaasabad xalay ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye ayaa waxaa lagu dalacsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska gobolka Banaadir, kuwaasoo isugu jira qaar ka mid ah taliyeyaasha Booliska degmooyinka,Taliye qeybeedyo iyo Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Saraakiisha munaasabadan lagu dalacsiiyay ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyed  Ex-G/Sare Saadaq Cumar Maxamed oo loo dalacsiiyay sareeye Guuto,sidoo kale la dalacsiiyay taliye ku-xigeenka qeybta guud gobolka Banaadir Ex G/Dhexe Maxamud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) oo loo dalacsiiyay G/Sare iyo sarkiil kale.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqisho Eng. Cabiraxamaan Yariisoow, Wasiirka Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Mudane Cabdi Cashuur Xasan, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdullaahi Xaamud iyo Taliyaasha Ciidammada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed (Ameerika) ayaa sheegay in sidoo kale sannadkaan gudihiisa ay dalacsiin doonaan in ka badan 500 oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed( Khdar) oo darajooyinka Ciidan u xiray saraakiisha la dalacsiiyay ayaa sheegay in saraakiishaan sababaha loo dalacsiiyay ay keentay inay qeyb weyn ka qaateen sugida Amniga magalada Muqdisho.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Saraakiisha Dhallinyarada ah ee la dalacsiiyay;
Mahad Korow (Gaashaanle)
Axmed Qadar (Gaashaanle)
Taliye Mooshin (Gaashaanle)
Yuusuf Xundubey(Gaashaanle Dhexe)
Bashiir Durqun (Gaashaanle)
Farxaan Maxamuud (Gaashaanle)
Yaasin Nuur Khayre (Gaashaanle)
Moha Jeego (Gaashaanle Sare)
Jeneraal Saadaq. (Sareeye Guud).

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]