4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 17, 2019
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Oo Furay Shirka Dardar-gelinta Iyo Fulinta Qorshaha Dib-u-soo kabashada Iyo u Adkaysiga Aafooyinka

Arbaco, July, 17, 2019 (HOL) - Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta Muqdisho ka furay shirka dardar-gelinta iyo fulinta qorshaha dib-u-soo kabashada iyo u adkaysiga Aafooyinka.

Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa kasoo qayb galay beesha caalamka iyo mas’uuliyiin ka socday waddamada saaxiibada la ah dowladda ee ka taageera mashaariicda horumarineed iyo bini’aadninimo.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku ayaa sheegay in abaaaraha soo noqnoqday iyo fatahaadaha ka dhasha roobabku ay dhibaato badan ku hayaan dhaqaalaha bulshada ayna abuuraan barakayaal cusub, sidaa darteed loo baahanyahay in si dhaqsa ah loo dhaqan geliyo qorshahaan maanta la daah rogay.

Wuxuu inta ku daray inay muhiim tahay in si wadajir ah looga gaashaanto dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha iyo fatahaadaha si wanaagsanna loo maamullo biyaha roobabka si ay uga wada faa’iidaan Xoola dhaqatada iyo bulshooyinka ku nool miyiga iyo magaalooyinka.
Guuleed ayaa ka qayb galayaasha shirka ku dhiirri geliyay in ay fikradahooda isku biiriyaan oo ay soo saaraan xal mira dhal u noqon kara maareynta dhibaatooyinka laga dhaxlo abaaraha iyo fatahaadaha.

Qorshaha dib-u-soo kabashada iyo u adkaysiga aafooyinka dalka oo ay diyaarisay wasaaradda qorsheynta, horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga, ayaa saldhig u noqnayana hanaanka lagu maareynayo dhibaatooyinka soo noqnoqda ee laga dhaxlo abaaraha iyo fatahaadaha roobabka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]