4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 2 , 2019
Faah faahin ku saabsan dabley xalay weerartay Saldhiga magaalada Ceerigaabo

 

Isniin, December 02,  2019  (HOL )– Taliyaha booliska ee qaybta gobolka Sanaag Cabdirisaaq Maxamed Faarax ayaa ka warbixyey xalay xilli dambe dabley hubaysani oo soo weerartays saldhiga magaaladda Ceerigaabo, kuwaas oo rasaas ku furey ka dibna cararay.

Taliyuhu wuxuu sheegay in lagu dabo jiro oo baadhitaankoodu socdo, balse aanay jirin wax khasaare ah oo rasaastaasi keentay.

“Xalay abaaro kowdii habeenimo waxa saldhiga dhexe ee magaalada Ceerigaabo rasaas ku riday dabley hubaysan, ciidanku diyaaar bay u ahaayeen oo rasaas bay ugu jawaabeen ka dibna way carareen, wax khasaare ahina ma gaysan rasaastii, waana baadhaynaa waxaa ay ahaayeen iyo halka ay ka yimaadeen.”ayuu yidhi Taliye Cabdirisaaq.

Taliye qayboodku wuxuu sheegay inay baadhitaan socdo oo aanay ka hor dhaceen baadhitaanka dhacdadaasi

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.